Xisbiga UCID Oo Cadeeyay Mawqifkiisa Wareejinta Haamaha Berbera

0
595

yuusufHargeysa(Geeska)-Xoghayaha warfaafinta xisbiga UCID Yusuf Kayse Cabdi-laahi ayaa warsaxaafadeed ka soo saaray qaabka ay xukuumaddu u doonayso inay ku wareejiso haamaha shidaalka Berbera.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidan “Sida laga war-qabo, waxa dhowaan Golaha Wakiilada Somaliland uu laaley Heshiis lala galay shirkado gaar loo leeyahay oo ay Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo ku wareejinayeen Haamaha Shidaalka Qaranka sifo aan meelna  ka waafaqsanayn Shuruucda iyo Distoorka Dalka, xilli uu dhow yahay tartanka doorashada Madaxweynaha iyo Golaha Wakiilada Somaliland.

Iyadoo la ixtiraamayo fulinta shuruucda dalka, waxa xisbiga UCID ku baaqayaa in Madaxweyne Silaanyo dhowro go’aanka Golaha Wakiiilada, isla markaana uu ka noqdo wixii caqabad ku keeni kara fulinta xeerka la  ansixiyey iyo burinta heshiiskaas,

Tan kale, Go’aan ku celintu waa wax ku cusub saaxadda siyaasadda in Golaha Wakiilada lagu khasbo inay  buriyaan xeer  hore loo ansixiyey, taasoo uu rabo in Madaxweynuhu ku xalaashado Xatooyo xoolo dadweyne iyo boobka haamaha Shidaalka, iyagoo isticmaalaya laaluush siinta damiir laaweyaal ka tirsan golaha Wakiilada oo aan cidna u tudhahayn.

Haamaha shidaalkuna  waa  hantida ugu muhiimsan ee aan sinanaba faraha dowladda uga bixi Karin, maadaama ummaddda ay uga soo baxdo dakhli aad iyo aad uga badan tan hadda la rabo in dad gaar ah lacag lagaga qaddinto. Haamaha shidaalku waxay keyd u yihiin shidaalka hay’adaha qaranka sida Ciidamada qalabka, hawlaha gurmadka samafalka iyo adeegga bulshada.

Tan kale, Waxa Xisbiga UCID uga tacsiyeynayaa Golaha Wakiilda, Axsaabta Qaranka iyo guud ahaan  Shacabiga Somaliland, hadal dhowaan ka soo yeedhay Guulwade Saleebaan Siciid Cali oo ku egman Maareeyaha Haamaha Shidaalka, hadalkaas oo nuxurkiisu ahaa CIDNA LOO JOOJIN MAAYO, HAAMAHANA WAA LA WAREEJINAYAA.  Hadalkiisanina waxa uu ka hor imanayaa sidii habboonayd ee uu markii hore uu uga warbixiyey xaaladda runta ah ee jirta iyo faa’idada maaliyadeed  Haamuhu  soo saaraan iyo saamiga lacageed ee ka soo baxda oo uu ku muujiyey in aanay jirin sabab xukuumadda ku kallifta inay cid ku wareejiyaan oo lacag yar ku bedeshaan Hantida intaa le’eg.

Xisbiga UCID, sina uma aqoonsanaaan doono heshiis kasta oo Xukuumadu ku wareejiso Haaamaha Qaranka iyo hantida dowladda Guud ahaanba, waxaanu Xisbiga UCID uga digayaa cid kasta oo heshiis booli ah la gasha xukuumada hadda muddo dhaafka ku fadhida inay mas’uul ka tahay wixii cawaaqib xumo ah ee ay ka mutaan sharciga dalka kuna waayi doonaan wixii hanti kaga baxday.

Sidoo kale, Waxaa Xisbiga UCID ugu baaqayaa shacbiga Somaliland in si waddaniyadi ku jirto dhugmo ugu yeeshaan qarada iyo miisaanka arrinta haamaha shidaalka oo ah waxa keliya ee laga dhaxli doono Xukuumadda Silaanyo, iyadoo laga warwaqo in hanta kor u dhaafaysa  todoba boqol oo hanti qaran ah oo isugu jiray dhul iyo dhismayaal dowladeedba  sifo sharci darro lagu iibsaday, lana siiyey dad si gaar ah loo daneynayo oo meelna aan  lagaga darin Misaaniyaya iyo Qasnadda dowladda toona.

 

Ugu dambayn, waxa xisbiga UCID u soo jeedinayaa in Muwaadininta Somaliland ilaaliyaan Amniga Qaranka iyo dhowrista sharciga, una diyaar garoobaan in doorashada soo socota oo ah tan kaliya ee aan talada kaga qaadi karno keli talisnimada iyo Hanti boobka Madaxweyne Silaanyo, waxaana idinku boorinaynaa inaad codkiinna siisaan Murashixiinta Madatooyada iyo kuwa golaha Wakiilda ee Xisbiga UCID.”