Guddiga Baadhista Xasuuqa Oo U Mahadceliyay Xarunta CJA

0
703

Picture2?Hargeysa (Geeska)-Guddida baadhista Xasuuqii Somaliland ka dhacay ee Dawladdii Siyaad Barre u geystay Shacab badan oo reer Somaliland ah ayaa waxa ay u mahadnaqeen Urur ka jira dalka   Mareykanka oo lagu magacaabo CJA (Center for Justice and Accountability) , oo door muhiim ah ka qaatay, daba galka Xasuuqii dalka ka  dhacay dawladii Siyaad Barre iyo gacanta ay  ka geysteen eedaynta gacan ku dhiiglayaashii xasuuqa geystay, 

Guddoomiye ku xigeenka Guddida Baadhista Xasuuqa Yuusuf Xaaji Maxamed Qurbaawi iyo Agaasimaha Waaxda Kaydka iyo raadinta Guddida baadhista Xasuuqa Cabdirashiid Muxumed Daahir, oo shalay shir jaraa’iid ku qabtay xafiiskooda, ayaa u mahadnaqay Ururka CJA, oo ay sheegeen inuu qayb libaax leh ka qaatay dacwadaha ka dhanka ah gacan ku dhiiglayaashii xasuuqa u geystay umadda reer Somaliland wakhtigii Dawladii Siyaad Barre, Guddoomiye ku xigeenka Guddida Baadhista Xasuuqa Yuusuf Xaaji Maxamed Qurbaawi, oo isagu ugu horeyn halkaas ka hadlay ayaa sheegay in Ururka CJA, ee dalka Mareykanka ka jira, isla markaana uu uga mahadnayo sida ay uga qayb qaateen in la ogaado Xasuuqii loo geystay Shacabka Somaliland wakhtigii Dawladdii Siyaad Barre iyo in gacan ku dhiiglayaashii dacwad lagu oogo, waxaanu yidhi “Haddii aanu nahay Guddida baadhista Xasuuqa waxa aanu u mahadnaqaynaa Ururka CJA, oo ka jira dalka Mareykanka, ee ku hawlan daba galka Xasuuqii ka dhacay Somaliland, qayb libaax lehna ka qaatay kiisaska lagu soo oogay gacan ku dhiiglayaashii xasuuqa geystay, waxaana sidoo kale la wadaa dacwada Tuke  oo isna xasuuqa qayb ka ahaa, waxaana sidoo kale aad ugu mahadnaqayaa kuwo kale  oo iyana dalka yimid, isla markaana si toos ah u arkay  Xabaalo wadareedyadii dadkii reer Somaliland ee Shacabka ahaa ee Xasuuqa loo geystay”.

Dhinaca kale Agaasimaha Waaxda Kaydka iyo raadinta Guddida baadhista Xasuuqa Cabdirashiid Muxumed Daahir,oo isna halkaas ka hadlay ayaa u mahadnaqay Ururka CJA, oo uu tilmaamay inuu kaalin muhiim ah ka geystay daba galka iyo in Caalamka loo soo bandhigo Xasuuqii ka dhacay Somaliland iyo dacwada ka dhanka ah gacan ku dhiiglayaashii geystay, waxa kale oo uu sheegay inay jiraan ilaa 200 oo xabaalo wadareenad oo ay ku jiraan ilaa iyo 2500-kun oo qof, oo la xasuuqay, waxaanu xusay in Sannadadii ugu dambeeyey la helay xabaal wadareedyo badan, waxaanu sheegay in inta badan lagu ogaado xabaal wadareedyada in Daadku soo faqo, ama ay jiraan dad markhatiyo ahaa ama ay jiraan dad iyagu ka badbaaday, sidaasna lagu ogaado, waxaanu xusay in aan sinaba looga hadhayn cidii geystay xasuuq ama xaasaanad ha hayaan ama yaanay haynine.