Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Waddani Oo Xafiis Ka Furtay Degmada 26 June Ee Hargeysa

0
467

Hargeysa(Geeska):-Murashaxa Madaxweynaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa shalay xadhiga ka jaray xafiiska uu xisbigaasi ku yeelan doono degmada 26ka Juun ee magaalada Hargeysa oo noqonaya xafiiska ugu weyn xafiisyada heer gobal ee xisbiga WADDANI uu ku lee yahay gobalka Maroodi-jeex.

Munaasibaddii xadhiga ka jarista xafiiskan, ayaa waxa ku wehelinaayey guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee xisbiga WADDANI Xildhibbaan Cabdiqaadir Jirde, xoghayaha guud ee Xisbigaasi Md.Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, xildhibbaan Siciid Cilmi Rooble, siyaasi Xamarje, Marwo Faadumo Siciid, qaar ka mid ah hoggaanka, guddiyada fulinta, garabbada haweenka iyo dhallinyarta iyo weli ba sida oo kale maamulka heer degmo iyo heer gobalka ee xisbiga WADDANI ku lee yahay degmada 26ka Juun ee Hargeysa iyo gobalka Maroodi-jeex ba.

Qaar ka mid ah mas’uuliyiinta iyo taageerayaasha heer degmo ee xisbiga WADDANI oo ugu horreyn halkaa ka hadlay, ayaa si aada ugu farxay xafiiskan cusub ee uu xadhiga ka jaray guddoomiye Cirro oo ay sheegeen in iyagu ay iskood u sameysteen isla mar ahaantaana ay ku bixiyeen xoog iyo xoolo ba si ay u muujiyaan cududooda taageero ee la bar-bar taagan yihiin xisbiga WADDANI isla mar ahaantaana ay si xornimo ah u muujin lahaayeen in aanu codkoodu u xidhneyn cid gaara.

Xildhibbaan Siciid Cilmi Rooble oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa waxa uu yidhi “,Juuneey idinkaa dhisay Ra’yaale, idinkaa na dhisay Siilaanyo markaa maanta waxa aynu dhiseynaa Cabdiraxmaan Cirro, ujeedka aanu halkan u taagan nahay na waxa weeye in aanu maanta dadka isu furno oo Juun iyo calaamadaha aynu isu furno oo xididnimaddii iyo xigaalnimadii ba aynu soo celino, wanaagii iyo sharaftii na aynu soo celino , shaqadayadu na waa taas, guddoomiyahu na dadka waa uu walaaleynayaa bari illaa galbeed.”.

Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI Md.Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, Marwo Faadumo Siciid, Madaxda heer gobal ee xisbiga WADDANI iyo weli ba sida oo kale siyaasiyiin iyo haldoor kale oo aad u tira badan oo halkaas ka hadlay, ayaa dhammaantood ba ku dheeraaday sida ay ugu faraxsan yihiin taageerada ay muujiyeen shacabka ku dhaqan degmada 26ka Juun, iyaga oo carabka ku dhuftay in 26ka Juun tahay degmo aad u facweyn oo u bisil siyaasadda isla mar ahaantaana doorkan muujiyey karti ah in aanay cidna u xidhneyn.

Guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee xisbiga WADDANI Xildhibbaan Cabdiqaadir Jirde oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa waxa uu yidhi “Degmadani waa degmada ugu weyn caasimadda, anigu na iyadaan ka tirsanahay, waa halkaan ka diiwaan-gashanahay oo waa halkaan ka codeeyo weli ba na waa halka qoyska reer Jirde oo dhammi ay degan yihiin, waxaana degan dad xagga siyaasadda aad u bisil oo weligeed ba illaa 1960kii natiijo wanaagsan keeni jiray, waana dad iska diidey in maanta qabaa’ilka la iska horkeeno, waxaana ay maanta cadeeyeen in ay diideen in ay cid gaara qabiil ku raacaan.”.

Murashaxa Madaxweynaha xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo isna ugu dambeyntii halkaa ka hadlay, ayaa si aada uga mahad-celiyey taageerayaasha degmada 26ka Juun ee sida fiican isu abaabulay isla mar ahaantaana furtay xafiiskan isaga oo xusay in maanta cadeeyeen in shacabka ku dhaqan degmada 26ka Juun ay iska diideen qabyaalad in ay ku codeeyaan.

"Waxa farxad-weyn ii ah in maanta aanu furno xafiiskii ugu ballaadhnaa gobalka Maroodi-jeex oo aanu ka fureyno degmada 26ka Juun, shacbiga degmada ku nool iyagaa xafiiska furtay iyagaa kireystay iyagaa qalabeystay, taasina waxa ay muujinaysaa in ay uf ku yidhaahdeen qabyaaladda lagu la dardaar mayey, waxa ay iska taageen halkii Gaariye iska taagay oo wuxu yidhi uf qabiilka anaa leh, 26ka Juuna sidaas bay wada yidhaahdeen maanta, qoladii lahayd lama soo geli karo oo way takooran tahay indhaha aad ha u kala furaan baan lee nahay maanta, waxaana ay bilow u tahay isu hilowga  iyo isu fur furka iyo walaaleynta Maroodi-jeex, gaar ahaan Hargeysa, waxa aynu walaaleynaynaa shacbiga Somaliland, himilada xisbigaana ayey ka mid tahay in la wada walaaleeyo uma na baahnin in shacabka la kala wada qoqobo, axsaabta na waxa aynu u furanay in aynu kaga baxno qabiilka , waxaanu qabnaa axsaabta qaranka waa aynu wada lee nahay, xisbi degmo u xidhani ma jiro, magaalo xisbi u xidhanina ma jiro. Maanta lagu kala badin maayo in calamada WADDANI laga xado guryaha oo laga goosto se waxa lagu kala badinayaa quluubta shacbiga , doorashada shacbigaa lagu kala badinayaa, ey calanka WADDANI loo xidho lagu kala badin maayo, waxa lagu kala badinayaa cod iyo doorasho , shacbigu na maanta waxa ay dooranayaan Xisbiga WADDANI oo 26ka Juuna uu doortay.".Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro.