Wasiiro Beeniyay Inay Kaadhadhkoodii Codbixintu Ka Gubteen, Markii Ay Ku Celceliyeen

0
469

Hargeysa(Geeska)-Laba wasiir oo ka tirsan xukuumadda Somaliland ayaa beeniyay in la waayay kaadhadhkoodii codbixinta ka dib markii ay laba goor ku noqdeen wakhtigii ay isdiiwaangelinayeen sidaasna uu ku qabtay Seerfarka kala haadinaya khaladaadka dadka isdiiwaangeliyay.

Warbaahinta Hargeysa ka soo baxda ayaa qaarkood, waxay shalay baahiyeen in wasiirada reer Awdal ee kala ah Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Cabdilaahi Ibraahin Habane, Wasiirka Boosaha Iyo Isgaadhsiinta Somaliland Maxamuud Sh. Cabdilaahi Cige, Wasiirka Wasaarada Xidhiidhka Golayaasha Qaranka Cali Xaamud Jibriil, Wasiirka wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland Maxamed Cabdilaahi Obsiiye, Maayirka Borama Maydhane iyo Wasiiro ku-xigeeno, inay kaadhadhkoodii cod bixintu gubteen ka dib markii ay dhawr goor oo kala duwa isdiiwaangeliyeen sidaasna uu Seerfarku ku qabtay.

Hase yeeshee, laba ka mid ah wasiiradan oo kala ah wasiirka xidhiidhka goleyaasha Cali Xaamud Jibriil iyo wasiirka arrimaha bulshada Maxamed Cabdillaahi Obsiiye, ayaa beeniyay warkan. Wasiir Cali Xaamud Jibriil ayaa isagu saxaafadda u soo bandhigay kaadhkiida cod bixinta doorashada oo uu ka soo qaatay gobalka Awdal oo ay kaadhadh qaybintu ka bilaabantay.

Wasiirka arrimaha bulshada Obsiiye, ayaa isna sheegay inaanu isdiiwaangelin oo uu dalka ka maqnaa wakhtigii ay diiwaangelintu ka socotay guud ahaan Somaliland, waxaanu sheegay inuu sidaas ku waayay fursadii uu codkiisa ku dhiiban lahaa maalinta doorashada madaxtooyada.

Hase yeeshee wasiirada kale iyo masuuliyiinta kale ee ay warbixinaha warbaahintu sheegeen inay kaadhadhkoodii gubteen ayaan ka hadal warkan.

Dad badan oo si khalad ah laba goor iyo wixii ka  badan isu diiwaangeliyay ayaa waxa qabtay Koombiyuutarka kala haadinaya khaladaadka dadka isdiiwaangeliya, waxaanay sidaas ku waayeen oo ku gubtay kaadhadhkii ay ku codayn lahaayeen.