Xisbiga Mucaaradka Ah Ee WADDANI Oo Dacwad U Gudbinaya Komiishanka Doorashooyinka Qaranka

0
631

Xisbiga WADDANI wuxuu sheegay in doorashada tahay Jihaad Ay Dalka ku bedbaadinayaan

Hargeysa (Geeska) – Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa sheegay inuu Komiishanka doorashooyinka u gudbinayo Dacwad ka dhan ah Musharraxiin uu sheegay in Hantida Dawladda loogu ololaynayo.

Guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee Xisbiga WADDANI Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo hadal ka jeediyey xidhitaankii shirka Golaha dhexe ee WADDANI, ayaa sheegay in saddexda Xisbi Qaran iyo Komiishanku kala saxeexdeen Xeerka Anshaxa oo dhigaya inaan Hantida Dawladda Cidna loogu ololayn, laakiin hadda ay soo baxayaan in Riigaggii Biyaha ee Gobolka Sool yo biyo Taakulo ah oo Dawladdu Dad u geysay laga dhigayo Taakulo Musharrax ugu deeqay Dadweynaha, taasina khalad tahay, sidaasi darteed ay Dacwad arrintaa lid ku ah u gudbinayaan Komiishanka.

Xildhibaan Jirde oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaanu saxeexday Xeerka Anshaxa, ta ugu weyn ee ku jirtaa waxa weeyaan inaan Hantida Dawladda lagu ololayn, inaan Nin Musharrax ah loogu ololayn Hantida Dawladda, imikana warar baa ka soo baxaya Laascaanood, in Riigaggii biyaha iyo Taakuladii biyaha ahayd ee loo geeyay la leeyahay Musharrax baa idiin keenay, taasina waa khalad, waanuna gaadhsiinaynaa Komiishanka.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Xisbiga WADDANI uu galayo doorashada oo uu ugu yeedhay inay tahay jihaad uu Dalka ku bedbaadinayo “Dagaalkii imika ayuu inoo bilaabmay, waa Jihaad aynu Talada Dalka ku bedbaadinayno oo aynaan Cidna ku dulmiyeyn..”

Geeska.net/Hargeisa Office