Arrimaha Caafimaadka: Tallaalka Covid-19

0
670

Qormada todobaadka waxa aynu ku falan qayn doonaa talaalka guud ahaan, gaar ahaan covid-19.

Tallaalku waa ka hor tag hadba cudurka uu ku astaysan yihiin. Talaalka ayaa ah in lagu mudo qofka ilma qabatayga keenaya cudurka ama qayb ka mid ah kaas oo la wiiqay awoodiisa uu ku keeni karo cudur. Difaaca ayaa ka jawaaba walaxdan lagu muday si uu u soo saaro dheecaanada difaacu.

Hadii aynu milicsano talaalka Covid-19 oo hada hadal hayntiisu cirka marayso. Waxa jira ilaa 200 oo nooc oo u sharraxan in loo ansixiyo ka hor-tagga cudurkan. Hada se waxa suuqa si rasmi ah u soo galay dhawr nooc oo kala duwan.

Pfizer-BioNTech

Talaalkan ayaa ay iska kaashadeen laba shirkadood oo jarmal iyo Maraykan kala ah. Waxa la sheegaa in uu 95% yahay wax tarkiisu. Talaalkan ayaa u shaqeeya in dadka lagu mudo walax ka mid ah hidde-sidaha virus ka SARS_COV2 oo loo yaqaan Messenger RNA(mRNA). Hidde sidahan ayaa muhiim u ah in uu tarmo isla markaana badato tiradiisu markaa uu galo unugyada aadamaha. Jidhkeena marka la siiyo walaxdan, difaaca basharka ayaa ka hawl gala isla markaana sameeya dheecaano u gaar ah oo lagu la dagaalamo ka dibna gala xusuusta difaaca. Talaalkan ayaa la qaataa laba goor oo ay u dhaxeeyaan 14-21 cisho. Ilaa hadda lama hubo intaa uu jidhka ku sii jiri karo dheecaanada difaacu (antibodies). Talaalakan ayaa sida qayrkiiba yeelan kara oo ay ka mid yihiin halka laga mudo oo qofka xanuunta/casaata, xumad, qadh-qadhyo iyo madax xanuun. Dhamaantood ayaa ah kuwa sahlan mudo koobana qofka qabta. Waxa xusid mudan in aan cid kastaa yeelan astaamahan ee yihiin dadka qaarkood.

Moderna

Moderna ayaa isna ka soo jeeda dalka Maraykanka halkaas oo lagu sameeyey. Moderna waxa uu u shaqeeya si la mid ah Pfizer ka oo ay beegsadeen labadooduba qaybo ka mid ah hidde-sidayaasha. Talaalkan ayaa loogu talo galay 18 jir iyo wixii ka weyn. Weli lama xaqiijin saamaynta uu ku yeelan karo dumarka uurka leh iyo dheeftiisa intaba. Talaalkan ayaa 88% noqon kara ka hor tag fiican. Talaalkan ayaa uu qofka qaataa la kulmi astaamo kooban mudo gaabana ah inta badan, sida qadhqadhyo, madax xanuun, daal iyo meesha laga muday oo bararta/casaata/xanuunta.

Astrazeneca

Talaalkan ayaa ah midka qudha ee ingiriisku sanceeyay isaga oo ay iska kaashadeen jaamacadda Oxford iyo shirkad laga leeyahay dalka Sweden. Talaalkan ayaa ah ka dalkeena soo gaadhay isla markaan WHO ay inagu caawisay inaga iyo dalalka aan awoodayn dhaqaale ahaan talaalka. Talaalkan ayaa laga faafiyay dacaayado si uu hoos ugu soo dhaco. Xinjirawga lagu xamanayo ayaa ah wax ku dhici kara dadka tiro aad u yar walow aan la hubin dadka yeeshey inuu talaalkani ahaa sababta qudha ee keentay xinjirawga. Talaalkan ayaa isna ah mid laga sameeyey hidde-sidayaasha ilmo qabataygan. Ilaa hadda ma jiro sida xogaha la uruuriyay sheegayaan dad qaatay talaalkan inay u soo dhacaan isla markaana yeeshaan xaalado halis ah Covid-19 dartii.

Si guud taladaydu waxay tahay ma jiro talaal keena cudurka uu ka hortagayo. Waxa aan kula talinayaa qof kasta oo nugul, talaalku kama halis badna cudurkan aduunka wareeriyey. Dhib hadii ba uu kugu keeno badi waxa la helaya xalal badan oo la hagaajiyo.

Waxa Diyaarisay Deeqa Aadan

Email: deeqadahab17@gmail.com