Jamaal Jaamac Xaamud Oo Ka Digay Wax Kasta Oo Ka Hor Imanaya Diinta Islaamka

0
623

Hargeysa(Geeska) – Xoghaye ku-xigeenka Xisbiga mucaaradka ee Waddani Jamaal Jaamac Xaamud, ayaa ka hadlay qiimaha ay Diinta islaamku leedahay, waxaanu ka digay dhaqanada xun ee aanay Sharaceedu sinaba raali uga ahayn.

Xoghaye ku-xigeenka Xisbiga mucaaradka ee Waddani Jamaal Jaamac Xaamud oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay xanuunka Covid-19, waxaanu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Innagu waxaynu nahay ummad islaam ah, dhaqankeena iyo asalkeenuba waa islaanimo, hiddo iyo dhaqan uma lihin wax kastoo aanay diinteenu raalli ka ahayn, diinteena islaamkuna waa diinta qudha ee xaqa ah, waa diinta qudha ee mar walba wanaageena iyo masiirkeena inoo sheegta, markaas wax kasta oo ALLE inaga xarimay inaynu ka fogaano ayey danteenu ku jirtaa, markaas aad ha looga fogaado dhaqan xumada la doonayo in diinteena la inagaga fogeeyo, dhaqankeenana lagu dhalan-rogo”.

Mar wuu ka hadlayey xanuunka Covid-19 wuxuu yidhi “Geeridii baa batay, geeriduna waa xaq, laakiin xanuunka Covid-19, dad badan baa u geeriyooday, ALLE oo qudha ayaa inaga dulqaadi kara ee waxaynu ALLE ka baryeynaa inuu inaga dulqaado, caafimaad taamana inoogu beddelo…”
Dhanka kale, wuxuu tilmaamay in Shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga Waddani ku dhacay sidii ugu haboonayd, waxaanu si gaar ah hambalyo ugu diray masuuliyiinta la doortay, waxaanu u rajaynayey guul.

 

Geeska.net/Hargeisa Office