Madaxweynaha Nigeria Iyo Ku-Xigeenkiisa Oo Kala Badh Dhimay Mushaharkooda

0
511

NIGERIA-VOTEAbuja (Geeska)- Madaxweynaha dalka Nigeria Maxamed Bukhaari ayaa kala badh iska yareeyey mushaharkii uu qorshaysnaa in uu qaato muddada uu hayo xilka madaxweynaha ee dalka. Afhayeen u hadlay madaxweynaha ayaa sheegay in hadda kadib uu madaxweyne Bukhaari mushahar u qaadan doono lacag kala badh ka yar intii uu hore mushaharka ugu qaadan jiray Goodluck Jonathan oo ah madaxweynihii xilka uga horreeyey ee uu doorashadii dhowaan dhacday kaga adkaaday. Garba Shehu oo ah afhayeenka madaxweynaha ayaa war-saaxafeed uu soo saaray ku yidhi, “Madaxweyne Muxammed Bukhaari kala badh ayuun baa uu ka qaadan doonaa mushaharka uu qaadan jiray madaxweynihii ka horreeyey” waxa aanu afhayeenku sheegay in qorshaha dhimista mushaharka madaxweynaha la dhaqan geliyey loona gudbiyey haayadaha ay khusayso.

Mushaharka sannadlaha ah ee caadi ahaan uu qaato madaxweynaha dalka Nigeria ayaa ah lacag u dhiganta 70 kun oo doolarka Maraykanka ah sannadkii, lacagtaas oo ay ku jiraan gunnooyin kala duwani ayaa u dhiganta in uu bil kasta qaadanayo lacag dhan 5’830 doolarka Maraykanka ah, waxase hadda kadib ay noqonaysaa kala badh oo ah in uu madaxweyne Bukhaari bishii u soo xaadiri doono lacag dhan 2’915 doolar oo keliya. Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka dalka Nigeria ayaa isna qaaday tallaabo tan la mid ah oo uu kala badh ku dhimayo mushaharkiisa, waxaana la filayaa in ay bilow u noqoto qorshe la doonayo in lagu yareeyo lacagaha ay mushaharka iyo gunnooyinka u qaataan madaxda sare ee dalka Nigeria. Iyada oo ay dad badanina tallaabadan ku macneeyeen hindise uu madaxweynuhu ku dhiirri gelinayo xildhibaannada baarlamanka iyo guddoomiyeyaasha gobolladu in ay sidan oo kale yeelaan oo ka tanaasulaan kala badh mushaharka loo qoondeeyey. Sidoo kale waa tallaabo uu madaxweyne Bukhaari doonayo in uu wax kaga qabto xaaladda shaqaale hosaadka dalkaas oo mushahara yar ee ay qaataan ka sokow, mararka qaarkood mushaharku bilo ka maqnaado.

Maxamed Bukhaari oo imika da’diisu 72 jir tahay ayaa sannadkii 1983kii xukun milateri ku qabsaday dalka Nigeria laakiin laba sano kadib oo ahayd 1985kii ayaa uu xukunka iskaga degey oo uu dib ugu soo celiyey gacanta rayidka, muddadaas uu xukunka hayeyna waxaa lagu ammaanaa sidii uu wax uga qabtay musuq-maasuqa dalkaas aafeeyey xilligaas. Soddon sano kadib oo ahayd bishii May ee sannadkan 2015ka ayaanu mar kale dib ugu soo noqday kursiga madaxweynaha ee dalka Nigeria, balse markan waxa uu xilka qabtay isaga oo ku yimid cod dadweyne kana awood batay madaweynihii ka horreeyey oo doonayey in mar labaad xilka loo doorto.