“Xisbi Ay Reero Isku Wareejinayaan Ma Jiro”

0
1004

Axmed Cabdi-Dheere, Hoggaanka Xisbiga KULMIYE

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha saddexaad ee xisbiga talada haya ee Kulmiye Axmed Cabdi Dheere ayaa sheegay in aanay jirin cid guddoomiye nimada xisbiga si gaar ah loogu wareejinayaa, isla markaasna cidii doonaysaa ay isku soo sharaxi karto uun.                                                                                                           Axmed Cabdi Dheere ayaa sheegay in aanay dhacayn in beeli ay beel ku wareejiso kursiga guddoomiyaha ee xisbiga, isla markaasna cod uun lagu hanan karo kursigaas uu xisbigu codeeyo, sida oo kale waxa uu soo dhaweeyay hesiiska xisbiyadu ay ku gaadheen doorashada  waxaana isaga oo ugu horayntii arintan ka hadlaayay uu yidhi“ Muddo badan ayaynu sugaynay in saddexda xisbi wax isla afgartaan runtiina waa dariiq dheer oo ay soo martay Somaliland in waxkasta wada hadal lagu dhameeyo walow ay sanadkan naga xumaatay oo dhexgal nalagu sameeyay, arintaas aan ku heshiinay haday qaateen xisbiyadii mucaaradka ahaa aad iyo aad ayaanu ugu hanbalyaynaynaa waanuna ka sugaynay oo mudo dheerna waxaan idiin sheegayay inay dhamaanayso maalin maalmaha ka mid ah, way inagu raagtay,waxii doorashada ka qabyo ah inaanu wada galno ayuunbaa noo muhiim ah, waanuna soo dhawaynaynaa.”

Waxa uu ka hadlay baaqa loo soo jeediyay madaxweyne Biixi ee ah in lagu wareejiyo guddoomiyaha xisbigaas siyaasiga Maxamuud Xaashi ” Xisbiga guddoomiye nimadiisa layskuma wareejiyo, Muusana laguma wareejin hebel kalena laguma wareejinaayo golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye ayaa cod u qaaday maalinta doorashadu ay dhacdo in guddoomiye ku xigeenka xisbiga lagu wareejiyo dariiq ayay leedahay, reerana iskumay wareejin hebelna hebel kuma wareejin ee anaga ayaa gacanta u taagnay imika doorashadaa la sugayaa ninkii isa soo sharaxa ayaa codka la siinayaa qof walibana xaqbuu u leeyahay, laakiin wax laysku wareejinaayo ama reero isku wareejinayaan ama guddoomiyahu guddoomiye kale uu ku wareejinayaa ma jirto.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here