Institute for practical Research & Training

0
926

OGEYSIIS! …..Tababaro Xirfadeed

Machadka IPRT (Institute for Practical Research & training) oo ah Hay’ad wadaniya kana shaqaysa hawlaha sida tababarada kor u qaadida xirfadaha, cilmi baadhista iyo caafimaadka, waxay fulinaysaa tababar xirfadeed oo kor loogu qaadayo xirfadaha dhalinyaradda Somaliland iyo sidii loogu abuuri lahaa shaqooyin

Machadku bisha August 2019 wuxuu bilaabayaa deeq wax-barashoo  oo kala ah qaybahan:

  1. Construction ( Roofing) 2. Community Health Worker

Mudda uu tababarku soconayo waa 4 bilood.

Sharuudaha loo baahan yahay waa:-

  1. Waa in da’diisu u dhaxayso 18-35 sano.
  2. Waa inuu Somalilander yahay.
  3. Waa inuu leeyahay xirfad hore oo la xidhiidha tababarka uu rabo.
  4. Waa in aanu hada wax shaqo ah hayn.
  5. Waa in uu Wakhti firaaqo ah oo gelin hore iyo galin danbe ah haysto.
  6. Waa in ay ka go’an tahay Dhammaystirka Tababarka muddada uu socdo.
  7. Waa inuu codsiga ku soo lifaaqo copy-ga shahaadooyinka.

Haddaba, cid kasta oo danaynaysa ka qayb-qaadashada deeq-dan waxbarasho waa inay Codsiyadooda iyo CV-goodaba ku soo hagaajiyaan Xarunta IPRT oo ku taala Shacabaka, Xarunta Jamaacada Abaarso Tech Bariga Wasaaradda Qoyska, ama emailka iprtorganiz@gmail.com iyagoo oogada sare ee Galalka codsiyadooda kaga soo qoraya xirfada ay rabaan inay bartaan

Qabashada Codsiyadu waxay ku eg tahay 29 bisha August 2019 , iyadoo lala soo xidhiidhi doono cida buuxisa shuruudaha kor ku xusan.Tel. 0634333012

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here