Madaxweyne Biixi Maka Qayb Geli Doonaa Qalin Jabinta Jaamacadda Camuud Ee Arbacada Berri?

0
782

Hargeysa(Geeska)-Maamulka Jaamacadda Camuud ayaa la sheegay inay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku martiqaadeen  qalin jabinta ardayda Jaamacadda Camuud oo ku beegan arbacada beri, haddii Alle idmo.

Madaxweyne Biixi oo sannadkii hore ka qayb galay qalin jabinta ardaydaas Jaamacadda Camuud, ayaa sannadkan waxa la isweydiinayaa inuu ardayda jaamacadaas kala qayb geli doono munaasibadda qalin jabintooda.

Magaalada Borama waxa ka taagan dareeno siyaasadeed oo salka ku haya saami-qaybsiga guud ahaan mansabyada siyaasadeed iyo baarlamaan ee Somaliland, waxaana toddobaadkan lagu qabtay magaaalda Borama kulan balaadhan oo ay ka qayb galeen siyaasiyiin culus oo dhaliilo loogu soo jeediyay hanaanka siyaasadeed ee Somaliland, waxaanay dad badani isweydiinayaan in Madaxweyne Biixi isagoo og dareenada ka jira magaalada uu ka qayb geli doono qalin jabintan.

Madaxweyne Biixi ayaa haddii uu ka qayb galo munaasibadaas waxa ay bulshada gobalka Awdal ka sugaysaa inuu ka jawaabo tabashooyinka bulshadu qabto iyo bayaankii laga soo saaray kulankaas oo ahaa mid culus.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here