Xilliga Uu Hadalka Iyo Cabiraadda Ereyadu Ay Gabadha Ku Adkaadaan Iyo Sababta Keenta (Q:1)

0
890

Picture12Hargeysa (Geeska)- Waa qayb kale oo ah qormadii ka waramaysay kala duwanaanshiyaha ragga iyo dumarka, qormadan oo aad u xiiso badan waxa ayaa uu Wargeyska Geeska Afrika ka soo qaatay buugga les hommes, Le sexe, etc. ee ay qortay Ellen Willer oo ah saxafiyad qoraa ah oo u dhalatay kuna nool dalka Faransiiska.

Gabadha waxa ay adeegsataa ereyo laban-laab ka badan kuwa uu ninku isticmaalo

Xilliga Qaan-gaadhka iyo hadal badnida gabadha: Haddii aynu hore u soo aragnay in inantu ay wiilka ka hor barato hadalka oo bilowga af-barashadaba barato ereyo aad uga badan kuwa uu wiilku barto ama ku hadli karo, iyo in ay kaga fiican tahay barashada iyo ku hadalka afafka kale, imikana waxa aynu eegaynaa bal in kala duwanaanshiyahaasi uu sii socdo marka ay qaan-gaadhaan wiilka iyo gabadhu:

– Gabadhu marka ay gaadho da’da qaan-gaadhka waxa ay celcelis ahaan maalin kasta ku hadashaa qiyaas ah 7 kun oo erey, halka wadarta ereyada uu ninku maalintii oo dhan ku hadlaa ay ka dhaafi waayeen 3 kun oo erey, taas oo macnaheedu yahay in ay gabadhu ninka ka hadal badan tahay in ka badan laban-laab. Waxa aanay khuabrada cilmiga bulshadu aaminsan yihiin in ay taasi tahay sababta ay gabadhu mar kasta u qawaddo hadalka ninka, una aragto in aanu si carrab furan ula gelin doodad iyo falan-qaynta arrimaha khuseeya, marar badanna ay ka dhalato cadho ah gabadha oo u qaadata in uu diiddan yahay inuu si niyad ah ula sheekeeyo ama ugu yaraan uga jawaabo su’aalaha ay qabto oo dhan.

Waxaana lagu doodi karaa in mihnaddii shaqo ee raggu bilowgii nolosha la kowsadeen oo ahayd in ay ugaadhsi tagaan iyo weliba hormoonnada colaad u joogga ah ee ku beerani ay bareen in uu hadalka yareeyo si uu wax badan u maqlo ama uga taxaddaro in ugaadha uu gaadayo iyo cadowgu maqlo.

Sababta dumarku u hadal bateen:

– Waxaa laga yaabaa in dad badani faahfaahin dheeraad ah uga baahdaan sababta ay gabadhu u hadal badan tahay, ama ay hore ugu qanci waayaan odhaahda keliya ee ah, ‘Gabadha ayaa ninka ka hadal badan’ hadal badnida gabadha sababteeda oo koobani waa in ay leedahay awooddii abuur ahaan u suurtogelinaysay arrintaas. Tusaale ahaan hormoonka lagu magacaabo Oestrogen, oo ah hormoon dheddig uu sabab u yahay carrab-furnaanta iyo awoodda ay hadalka iyo caddaynta ereyga u leedahay. Waxa ay khubaradu si gaar ah u tilmaameen in xilliga ay gabadhu ku jirto caadada oo uu hormoonkani si aad ah u firfircoonaado in uu yahay waqtiga ay gabadhu ugu hadalka badan tahay uguna af-miishaarsan tahay, awoodna u leedahay in ay sida ugu quruxda badan iyo ereyada ugu haboon ku isticmaasho cabbiraadda hadalkeeda.

– Saynisyahannadu waxa kale oo ay caddeeyeen in xilliga uu hormoonka lagu magacaabo Testosterone oo ah hormoon lab uu ku bato jidhka gabadha, oo ah xilliyada qaar ay dhacdo in gabadha ay ka lunto awoodda hadalku, oo tusaale ahaan haddii ay hadal dheer jeedinayso la arko in ay ereyadu iskaga dhex daadanayaan ama iskaga qaldamayaan.

– Waxa kale oo ay khubaradu caddeeyeen in ay gabadhu ninka kaga fiican tahay kagana xariifsan tahay, luuqadaha shisheeyaha, waana sababta keenta in inta badan ee dalalka reer Yurub oo ay waxbarashada iyo baristuba u furan tahay labada jinsi si isku mid ah, in afartii macallin ee dugsiyada iyo jaamacadaha kala duwan ka dhigaysa luuqaddaha ajaanibka ay saddex ka mid ahi yihiin dumar.