Xukuumad Shaqadeeda garan wayday waa jidkii Guuldaradeeda W.Q Hussein-Mahdi Hassan Hussein

0
639

mahdWaxa soo ifbaxaya maalmahan u dambeeyey kultad isku xidhan oo guluf iyo gucle ugu jira inay helaan dad ay macaash ku raadiyaan, waa koox wasiiro ah, kooxo agaasimayaal ah iyo kooxo kale oo dibad meer ah lakin xadhko u xidhanyihiin, waa koox taag iyo tamar waxay hayaanba boorsoyinka iyo jeebadahaba furay iskuna geeyey in shaqadooda badbaado u helaan.

Shaqadu markay kaa gasho is-barax, dad keen, reerkiina keen, asxaabtaada soo ururi, dagaalka waa inaad safka hore ka muuqataa, waa dhib iyo shaqo xumo kula daris noqotay, waa sharaftadii, , karaamadaadii iyo wajikaagii ood suuqa ku baayacdo, waa waxa kala dhantaalay howlihii qaranka, shaqadii bulshada loo hayey iyo u adeegistii dalka.

Waxaynu ka warhaynaa in dad badan gucle iyo orad ugu jiraan inay is muujiyaan iyaga oo moogan waxay dambarsan doonaan, haday shaqadii dowladnimo lagu soo ururiyo rag aan iska dhicino iyo dad aanu ka hadlino waxa soo baxaysa  galdaloolinyin bulshada iyo qaranka waajaha, waxaynu la soconaa in Wakiilada Midowga Yurub, Ingiriiska iyo Maraykan inay fariin adag u soo diraan Somaliland, in la yidhaah dalkiina qaybo ka mid ah ciidamada dib uga gurta, in ciidamka lagu tilmaamo kuwa dhibka wada iyo in qaybo ka mid ah dalkeena gudihiisa lagu asteeyo meel  muran iyo iyo is- haysasho ka jirto loona xukumi Karin in Somaliland leedahay, waa waji-gabax qaranimo iyo guuldaro siyaasadeed oo markii ugu horaysay Somaliland la kowsatay, waxana u sabab ah marka howlaha qaranka lagaga mashquulo fadhi ku dirirnimo, fadhiidnimo iyo xoolihii howlahan lagu qaban lahaa dadka dalka u dhashay lagu kala xadayo layskagana hor keenayo.

Bal aynu milicsano meelaha baahidu ka jirto hadana howlo kale looga mashquulay:

Bilicda magaalada Hargeisa, xildhibaanadu waxay ku yimaadeen doorasho, waxay xaq la mid ah ku joogaan midka madaxweynaha, kumay iman kumana fadhiyaan tigreeto madaxweyne, looma baahna in wasiirada iyo howlaha dowlada dhexe ku mashquulan, bulshada waxay uga fadhidaa adeeg xumada muuqata in la daboolo ee kamidka yihiin wadooyinka, nadaafada oo meel walba xashiish buuxo iyo bilicda guud ee magaaloyinka, arimaahasi waa la ilduufay waxa loo ictiqaaday in Xukumada dhexe xilka iyo xasaanada ka qaadi karto si ayna taasi u dhicinna dagaalka madhalayska ah qayb ka noqdaan.

Biyaha: magaaladu waa markii ugu horaysay ee si siman looga wada dareemo biyo la’aan, waa shan dagmo oo midka loogu qaatay qaybo ka mid ahi 5 cishaba mar taniiq ku helaan, lakin halkii laga dabooli lahaa waxa lagaga mashquulay howlo kale oo dadka iyo dalka midna dan u ahayn, waxa wakhtigii adeegyadaa lagu qaban lahaa lagu badalay fadhi ku dirirnimo iyo dad laga hadliyo.

Warbaahinta dowladu waa astaan qaran,  waa mid sawir guud ka bixinaysa qaranimada Somaliland iyo haykalka dowladnimo, markaad kala kulanto beel heblaayo iyo odey hebel waxa bulshada u soo baxaya qaab dhismeedka dalkani ku shaqeeyo iyo adeega ugu fiican ee lahayo oo ah beel hebla oo madaxweyne taageertay cidkalana xuquuqdiisa dulminaysa.

Waxa arimahan la siman wasiirada, waxa kale oo jira dhexmarayaal badan oo xagal daac ku haya wada jirka bulshada wallow ay la’yihiin afar qof oo meel uga hadla intaana waxa uga ayaan daran cidda diraysa ee shaqadooda shardi iyo shuruud uga dhigtay jifadiisa inuu gacanta ku hayo una hadlaan inay guud ahaan iyo duudub ahaan u liqsanyihiin xukuumadda.

Waa jid in badan lagu caayayey laguna xumaynayey xukuumadii  Rayaale halkii laga badali lahaa hab dhaqankaa guracan waaba lasii horumariyey, waxa umada la gudboon inaan lagu gadmoonin siyaasad xumada saraakiil ka tirsan dowladu shaqada ka yeesheen iyada oo wada ogsoonnahay in wadadii guuldarada cagta saareen.