Xilliga Da’da Dhexe: Qofka Waxaa Ku Dhaca Xaalad Nafsi Ah Oo Uu Ku Qanci Waayo Hab Nololeedkiisa Oo Dhan

0
636

London (Geeska)- Cilmibaadhis Cusub ayaa daahfurtay in ku raalli ahaanshiyaha nolosha iyo ku qanacsanaanta waayuhu ay hoos u dhac bilowdo marka uu qofku qaangaadho iyada oo marba marka ka dambaysana sii yaraata illaa halka ugu hoseeya ay gaadho marka uu qofku galo da’da loo yaqaanno Da’da dhexe (Cimri badhkii) oo ka bilaabata marka uu qofku afartanaadka galo, kaidbna marka uu qofku weynaado ay mar kale dib kor ugu soo kacdo farxaddii iyo ku qanacsanaantiisii noloshu.

Warkan oo uu Geeska Afrika soo turjumay ayaa lagu sheegay in cilmibaadhistan ay sameeyeen xeeldheerayaasha dhaqaalaha ee jaamacadda Warwick ee dalka Ingiriisku aanay ahayn tii ugu horreysay ee si fiican u iftiiminaysa in marka uu qofku da’da dhexe gaadho yahay ay hoos u dhacdo heerka farxadda iyo qanacsanaanta uu ku qabo hadba nolosha uu ku nool yahay, xitaa haddii ay tahay tan ugu habboon ama uguba ladan dadka dhiggiisa ah marka la barbar dhigo.

Cilmibaadhiso hore ayaa iyaguna si gaar ah u iftiimiyey in xaaladdani aanay ku koobnayn dadka, balse ay la wadaagaan noolayaasha kale ee aadamaha shabbaha sida daanyeerka noocyadiisa lagu magacaabo Chimpanzees iyo Orangutans, kuwaas oo ay cilmibaadhayaashu sheegeen in marka ay marayaan da’da dhexe ay aad hoos ugu dhacdo niyadda ay u hayaan nolosha iyo qanacsanaantoodu laakiin mar kale haddana ay kor u soo kacdo marka ay da’doodu weynaato.

Natiijada cilmibaadhistan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee AlJazeera ayaa intaas ku dartay in tijaabada cilmibaadhistan lagu sameeyey dad tiradoodu gaadhayso 50 kun oo qof oo qaangaadh ah, kuwaas oo u dhashay dalalka Ustareeliya, Ingiriiska iyo Jarmalka, waxa aanay ku doodaysaa daraasaddu in baaxadda ballaadhan ee tijaabadan, tirada badan ee dadka loo qaatay tusaalaha iyo dalalka kala duwan ee ay ka soo jeedaan, ay ina tusayso in xaaladda laga hadlayaa aanay ku koobnayn dal keliya ama duruufaha bulsho keliya, balse lagu dabbiqi karo dunida oo dhan.