Xildihbaano Sheegay In Xukuumadda Iyo Kulmiye Aanay Rabin Inay Doorashooyin Dalka Ka Dhacaan

0
790

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) iyo Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige, oo ka mid ah Golaha Wakiilada, kana wada tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa sheegay in Xukuumadda iyo Xisbigeeda Kulmiye aanay diyaar u ahayn inay dalka ka dhacdo Doorasho.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) iyo Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sidoo kale cadaalad daro ku tilmaamay dacwada ka dhanka ah Ganacsade Axmed Geelle Arab, Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo ugu horeyn Doorashada ayaa yidhi “Maanta dadkii baa biyo la’aan u dhimanaya, oo abnaaro ayaa jira, wakhti Doorashooyin laga hadlo maaha, sidaas oo ay tahay haddana waxaa meesha ku jirtay in wixii Doorashooyinka ku xidhan ee u baahnaa in la sii xaliyo waxay ahayd in la sii xaliyo, laakiin sidaas oo ay tahay ilaa hadda wax la xaliyey ma jirto, sababtoo ah saami-qaybsigii lama sameeynin, tirikoobkii lama sameeynin, ilaa hadda Xisbiyadii may heshiinin, iyada oo Xisbiga Waddani xaq u lahaa in gartiisa la dhagaysto, oo Komishankan la bedelo, haddana ilaa hadda lama bedelin, sidaas oo ay tahay Xukuumaddu uma jeedo inay Doorashooyin dalka ka dhacaan”.

Mar uu ka hadlaayey Ganacsade Axmed Geelle Arab, ayaa yidhi “Axmed Geelle Arab, bilaash iyo gardaro ayey u daba socotaa jabuuti, ee isaga ayaaba hanti aad u badani ka maqan tahay, ee waxaanu leenahay hantida aad haystaan wixii lagu leeyahay mooye, wixii kale u soo celiya, oo joojiya waxaad wadaan, haddii aad joojin weydaana wax faa’iido ah oo aad ka dheefaysaan ayaanba jirin”.

Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige oo isna dhankiisa ka hadlaya Doorashada ayaa yidhi “Xukuumadda iyo Xisbigeeda Kulmiye labaduba uma jeedaan inay dalka Doorasho xor iyo xalaal ahi ka dhacdo, ee waxay doonayaan in aanay marnaba ka tanaasulin aragtidooda ah in aanay Komishankani ka tagin meesha, Komishan kalsoonidii lagala noqday, oo walibana wakhtigii la doortay ka dhacay Doorasho ma qaban karo, waxaa jira intaas oo Musharax, ooh an leh oo doonaya inay anaga meesha naga bedelaan, balse Xukuumaddan ayaan rajadaas hor istaagaysa, oo aan sinaba u rabin aanu ka tagno meesha”.

Mar uu ka hadlaayey Ganacsade Axmed Geelle Arab ayaa yidhi “25 kun oo dhalinyaro ah haddii aanay ka badnayd, ayuu Ganacsade Axmed Geelle Arab, uu shaqo abuur u sameeysay, waa nin muwaadiin ah, oo waliba horumar iyo wax soo saarka dalkana qayb libaax leh ka qaaday, aniguna waxaan u arkaa in lagu gefayo oo dulmi lagu hayo, laakiin ciddina waxba ka qaadi mayso, maxaa yeelay waa taas maanta meel walba looga kacay, oo dakda reer Somaliland u hiiliyeen”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here