Weftigii Safiirada Ahaa Ee Hargeysa Yimid Oo War Ka Soo Saaray Socdaalkoodii

0
847

Hargeysa(Geeska)-Weftigii toddobaadkii dhammaaday socdaalka shaqo ku yimid Hargeysa ee isugu jiray safiirada iyo wakiilada dalalka Denmark, Finland, Norway, Sweden, Ingiriiska iyo Midowga Yurub, ayaa socdaalkoodii waxay ka soo saareen war-murtiyeed.

War-murtiyeedkan oo isugu jira balan qaad, dardaaran iyo digniin, waxa ay dalalkani ku sheegeen inay diyaar u yihiin inay sii wadaan taageerada Somaliland, waxase ay walaac ka muujiyeen sida aan weli horumarka looga samayn arrimaha doorashada. War-saxaafadeedkan oo ku qornaa luuqadda Ingiriisida, oo uu Geeska Afrika soo turjumay ayaa wuxuu u dhignaa sidan

“Wefti heer sare ah oo ka kooban safiirro iyo wakiillo metalaya Denmark, Midawga Yurub, Finland, Norway, Sweden, Switzerland iyo Ingiriiska ayaa booqday Hargeysa, Somaliland, 2dii ilaa 3dii April 2019. Weftigu waxay la kulmeen Mudane Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi, dhamaan xisbiyada siyaasadeed, Baarlamaanka, Gudida Doorashada iyo wakiilo ka tirsan ururada bulshada rayidka ah.

Ujeedada u wayn ee booqashadu waxaay ahayd in la cadeeyo taageerada joogtada ah ee aannu u hayno geedi socodka dimoqraadiyadeed ee Somaliland, iyo in hoosta laga xarriiqo in loo baahan yahay in doorashooyinka baarlamaan iyo gole deegaan lagu qabto waqtigii loo qabtay ee 12 December 2019. Weftigu waxay sheegeen iyaga oo walaac ka qaba inaan horumar laga samayn diyaar garowga doorashooyinka sababta oo ah khilaafka ka dhex jira saddexda xisbi siyaasadeed ee waawayn iyo inaan baarlamaanku ansixin xeerkii doorashooyinka.

Weftigu aad ayuu uga xumaaday arinkan, wuxuuna hoosta ka xariiqay khatarta dib u dhigis danbe ay ku keeni karto ixtiraamka dimoqraadiyadeeda loo hayay iyo fekerka aduunku ka qabo Somaliland. Waxaannu ugu baaqnay dhamaan xisbiyada siyaasadeed inay muujiyaan ka go’naansho iyo rabitaan si loo sameeyo tanaasulka daruuriga u ah in laga baxo is mari waaga islamarkaana inay taageeraan shaqada Gudida Doorashooyinka. Waxaanu sidoo kale ugu baaqnay Golaha Wakiilada inuu dedejiyo ansixinta Xeerka Doorashooyinka.

Waxaannu hoosta ka xariiqnay in doorashooyinka loo qabto hanaan waafaqsan mabaadida kawada qayb qaadashada, daah-furnaanta iyo ku kalsoonaanta loona qabto hanaan nabad ah, islamarkaana waxaanu carrabka ku adkaynay in dumarka iyo dadka laga tiro badan yahay la siiyo xuquuq sharci ahaan la fulin karo si ay uga qayb qaataan loona doorto.

Weftigu wuxuu cabiray rabitaanka bulshada caalamka ee ah inay la shaqayso Somaliland si wax looga qabto abaarta jirta. Weftigu wuxuu carrabka ku adkeeey in xal mudo dheer ah oo laga gaadho saamaynt taban ee abaaraha soo noqnoqday ay keeneen; uu ku jiro in la sameeyo horumar waari kara islamarkaana soo kaban kara.

Waxaaanu soo dhowaynay ka go’naanshaha mudane madaxwayne Muuse Biixi Cabdi uu ku doonayo inu wada hadal kula yeesho mudane madaxwayne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo mudane madaxwayne Siciid Cabdilaahi Deni, [madaxwaynaha] Puntland, oo waxa ay ka wada hadlayaan ay ka mid noqoto arimaha amni ee hada jira.

Weftigu wuxuu uga mahadceliyay martigeliyaha soo dhowayntooda diiran ee ay ku martigeliyeen intii ay joogeen, wuxuuna xaqiijiyay inay taageero u yihiin horumarka iyo dimoqraadiyadaynta Somaliland.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here