“Talaalkii Si Fiican Buu Noogu Soo Dhammaaday”

0
747

Agaasimaha Wasaarada Caafimaadka

Hargeysa (Geeska)-Agaasimaha guud ee Horumarinta Wasaarada Caafimaadka Somaliland Dr Maxamed Cabdi Xergeeye,ayaa ka hadlay xaalada Caafimaad ee dalka, waxaanu sheegay isla markaana waxba kama jiraan ku tilmaamay inuu dilaacay mid ka mid ah xanuunada faafa.

Agaasimaha guud ee Horumarinta Wasaarada Caafimaadka Somaliland Dr Maxamed Cabdi Xergeeye, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa isagoo ugu horeyn ka hadlaya talaal ay dhawaan ka sameeyeen deeganada kala duwan ee dalka ayaa yidhi “Talaalkii si fiican buu u noogu soo dhammaaday, runtiina dadku imika wey fahmeen qiimaha iyo faa’iidada uu talaalku u leeyahay, anagu Wasaarad ahaan dadaal aad iyo aad u badan baanu mar walba ugu jirnaa sidii aanu umadda ugu wacyigelin lahayd ilaalinta Caafimaadka, iyo ka taxadirka wax kasta oo khatar ku ah Caafimaadka, waana muhiim in ubadka laga talaalo Cudurada faafa, ee ay u nugul yihiin”

Mar aanu wax ka weydiinay waxaa ka jira inuu dalka ka dilacay mid ka mid ah xanuunada faafa ayaa ku jawaabay “Wax xanuuna oo dalka ka dilacay  ma jiro, Wasaarad ahaana waxaa nagu waajib ah in aanu mar walba ka warhayno xaalada Caafimaad ee dalka, mar kastana waxaanu ka talinaa ilaalinta iyo daryeelka iyo tayada caafimaadka ee dalka, waxaanu mar walba heegan u nahay in aanu ka hor tagno xanuunada khatarta ah ee sida yar u faafa, taas oo aanu walibana bulshada kaga wacyigelino inay aad uga fogaadan wax kasta oo keeni kara faafida xanuunada faafa, waxaana ku wacyigelinaa inay aad u ilaaliyaan fayo-dhawrka iyo nadaaafada, markaas haba yaraate wax xanuuna oo dilaacay ma jiro”.

Mar aanu wax ka weydiinay tayada dawooyinka dalka la keeno iyo farmasiiyada lagu iibiyo ayaa ku jawaabay “Qof walba masuuliyad baa saaran, masuuliyadaas saaran inuu sideeda ugu soo baxo ayaa laga raba, anaga Wasaarad ahaan iyo Xukuumad ahaanba waa sidii daryeelka caafimaadka umadda loo ilaalin lahaa, iyo sidii dalka loo keeni lahaa dawooyin tayo leh, markaas waxaan ku talinayaa in dadka keena dawooyinka inay umadda u keenaan dawooyin tayo leh, cidda iibinaysa dawooyinkana waa inay noqdaan cid aqoon u leh, oo si fiican u garana dawooyinka laga iibinayo dadka bukaanka ah, si caafimaadkooda loo ilaaliyo”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here