“18 May Waa Astaan Iyo Caalamad Aynu Gaar U Leenahay”

0
555

Hargeysa (Geeska)-Madaxweyne ku xigeenkii hore Axmed Yuusuf Yaasiin ee Somaliland ayaa tilmaamay in 18 may ay tahay maalin astaan iyo sumad u ah guud ahaan umadda Somaliland, waxaanu tilmaamay inay maalintan aanu si dhayal ah ku iman ee halgan ay ku timid.

Madaxweyne ku xigeenkii hore Axmed Yuusuf Yaasiin oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa yidhi “Maalinta 26 june, waa maalin inoo gaar ah, waana maalintii ugu horeeysay ee aynu xoriyadeena ka qaadanay Ingiriiska, halka 18 mayna tahay maalin iyana inoo gaar ah, markaas umaddeena waxaan leeyahay hambalyo, hambalyo, hambalyo, munaasidan awgeedna ayaana inagu bogaadinaya, 18 may waa astaan iyo caalamad aynu si gaar ah u leenahay, oo inooga suntan maalmaha kale, khaladkii aynu hore u galayna dib u gali mayno, maxaa yeelay markii aynu xoryadeena ka qaadanay Ingiriiska, inaga oo raadinayna shantii Somalida, ayeynu ilduufnay, oo si yar oo fudud calankeenii iyo dawladnimadii u dacaynay, inkasta oo nasiib wanaag aynu halgan dheer kadib aynu dib ula soo noqonay,maantana Somaliya dib uguma socono, ee hore ayaanu uga soconaa, lagamana yaabo inaynu dib u dagano, oo aynu mar dambe la midawno Somaliya, cid kasta oo aamisan midnimo dambe oo dhacda riyo ayey ku jirtaa, maxaa yeelay Umadda Somaliland ayaa goostay madax banaanidooda”.

Dhanka kale wuxuu guud ahaan Shacabka ku booriyey inay is ilaaliyaan, iskana ilaaliyaan inuu ku dhex fido xanuunka Koronuhu.