Xildhibaano Xukuumadda Ku Dhaliilay Sida Ay Uga Hawlgashay Dilka Labadii Sarkaal Ee Ciidamada

0
528

Picture2Hargeysa (Geeska)-Qaar ka mid ah Xildhibaano Golaha Wakiilada Somaliland ayaa Xukuumadda si adag ugu dhaliilay qaabka ay uga hawl gashay una maamushay dilkii loo gaysatay saraakiishii ka tirsanaa Ciidanka Qaranka Somaliland.

Xildhibaanada oo Shalay Shir jaraa,id ku qabtay Magaalada Hargeysa waxay sheegeen inay xukuumaddu ka gaabisay inay wax ka qabato gacan ku dhiiglaha dilay Saraakiishii ka tirsanaa Ciidanka Qaranka ee ku sugan jiida hore.  Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo isagu ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ahna Xildhibaan ka tirsan Xisbiga UCID, oo isagu ugu horeyn ka hadlay Shirkan jaraa,id ayaa waxa uu sheegay inay Xukuumaddu ka gaabisay inay wax ka qabato gacan ku dhiiglihi dilay saraakiisha waxaanu yidhi “Qadarka lama diido laakiin Xukuumaddu waxay ka aamustay baadhis kasta oo ku saabsan arintii dilkaas keentay  iyo sababta uu u fakaday gacan ku dhiiglihii gaystay falkaas dilka ah iyo sifaha uu uga baxsaday ciidanka, arinkaasina waa mid xukuumadu ka aamustay tacsiyo ka yar yar oo ilaahay keenay ayuu madaxweynuhu ka tacsiyadaynayey dadka, mudaharaadka Gebilayna waxa keenay aamuska madaxweynaha iyo xukuumada guud ahaan ay ka aamustay dilka tiiraanyada leh ee ku yimid dhalinyarada saraakiisha ah ee indhaha u ahayd ciidanka ilaalinaya cadawga somaliland.”

Sidoo kale waxa uu ka jawaabay hadal ka soo yeedhay afhayeenka madaxtooyada Somaliland waxaanu yidhi “Arinta Afhayeenka Madaxtooyada waa garanayaa oo waa inan yar oo aan adeer u ahay  hoos ugu noqon maayo, malaa waxa u dhaantay waa xil aanu wali qaan gaadhkiisii aanu gaadhin.”

Sidoo kale xildhibaan Bashiir Tukaale oo isaguna shirkan jaraa,id ka hadlay  ayaa dhinaciisa Xukuumadda ku canaantay inay ka gaabisay  aaskii loo sameeyey saraakiishan la dilay waxaanu yidhi “Dadka waxa gadoodka ku keenay waxa weeye Raggii Saraakiisha ahaa ee jiida hore joogay ee sida foosha xun ee qorshaysan ee mu’amarada ahayd loo dilay ayaa aaskii loo sameeyey waxa uu noqday si aan loo aasin tuuga, nimankani saraakiil ayey ahaayeen waxaanay ahayd in aas qaran loo sameeyo.”

Sidoo kale Xildhibaan Siciide Cilmi Rooble oo ka hadlay Shirkan jaraa,id ayaa ka waramay dooda xeerka diwaan gelinta madaniga ah oo ka socota golaha wakiilada waxaanu sheegay  inay diwaan gelinta xukuumadu ku doonaysomudo korodhsi waxaanu yidhi, waxaanu sidoo kale Bulshada  reer Somaliland ugu baaqay Mudaharaad haddii Xukuumaddani ay Maalin ku kordhisato marka uu dhammaado wakhtigeedu.