WADDANI Oo Xukuumada Ugu Baaqay In Guddi Qaran Ah Loo Saaro Baadhista Dilkii Saraakiisha

0
548

waddaniHargeysa(Geeska):-Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa maanta si adag uga hadlay dilkii loo gaystay Labadii Sarkaal ee ka tirsanaa  ciidanka Qaranka Somaliland ee ku sugnaa dagmada Qori-Lugud ee Gobalka Togdheer oo dhawaan halkaasi lagu dilay, Sida oo kalena waxaaa ay Xukuumada ku dhaliileen qaabkii ay uga hortageen Mudaharaad ay dadweynaha ku dhaqan Magaalada Gabiley ku muujinaayeen sida ay uga xun yihiin dilka loo gaystay Saraakiisha Ciidanka Qaranka ee ay ka dhigeen Magaalada Gabiley oo ay Xukuumadu u adeegsadeen rasaas sababtay dhimasho hal qof ah iyo sida oo kale ugu yaraan 11-qof oo ku dhawaacmay.

Masuuliyiinta ugu sar-sareysa Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI oo shir-jaraa’id ku qabtay Xarunta Xisbiga ee Magaalada Hargeysa ayaa Xukuumada ugu baaqay in gudi heer qaran ah ay oo baadhitaan ku soo samaysa sababta keentay dilkii loo gaystay Laba kamid ah Saraakiisha Ciidamada Qaranka Somaliland ee todobaadkii hore dhamaadkiisii lagu dilay Magaalada Qori-Lugud ee Gobalka Togdheer.

Xog-hayaha Guud ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md:Maxamed Cabdilaahi Uurcadde oo ugu horeyn shikaasi jaraa’id ka hadlay ayaa Xukuumada si aada ugu dhaliilay qaabka in ay u wajahdo dilkii Magaalada Qori-Lugud loogu gaystay Laba kamid Saraakiisha Ciidanka Qaranka,waxaana uu carabka ku dhuftay in aanay Xukuumadu illaa hada aanay cadayn sababta loo dilay Saraakiishaas,sida oo kalena aanay u tacsiyadayn waalidkii dhalay Saraakiishaas ka tirsanaa Ciidanka Qaranka Somaliland.

 “Waxaa aad iyo aad layaab u leh Saraakiil sarsare oo Ciidanka Qaranka ka tirsan oo aanu Cadaw dilin oo aan goob dagaal ku dhiman oo Xeradoodii lagu dilay oo aanay Xukumaddu caddayn sababtii loo dilay iyo wixii ay ku dhinteen, xataa Aas qaran aan loo samayn.Waalidkood Xataa looma tacsiyadayn aad iyo aadna waanu uga xunahay Masuuliyad daradaa Xukumaddu samaysay” Ayuu yidhi Md:Maxamed Cabdilaahi Uur-Cadde.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu sida oo kale  waxaa uu sheegay in ay ka Xisbi ahaan ay Xukuumada u soo jeedinayaan in arrintaas loo saaro gudi madax-banaan oo heer qaran ah, oo soo baadha sababta Saraakiishaasi u dhinteen,waxaana uu  carabka ku dhuftay in sida oo kale ku baaqayaan in si dag-deg ah Sharciga loo horkeeno cidii falkaasi gaysatay,waxaana uu yidhi. “Haddaanu nahay Xisbiga Waddani waxaanu soo jeedinaynaa in arintaas loo saaro guddi Madax banaan oo heer qaran ah oo soo baadha waxa Saraakiishaasi ku dhinteen, mar haddii Xukumaddii talada haysay awoodi weyday.Waxa kale oo Xisbiga Waddani soo jeedinayaa in si degdeg ah loo soo qabto cidii falkaasi ka dambeysay oo Caddaaladda la horkeeno”. Md:Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde waxaa kale oo uu si kulul uga hadlay qaabkii ay Xukuumadu ula dhaqmeen qaar kamid ah dadweynaha ku dhaqan Magaalada Gabiley,waxaana uu ugu horeyn ugu baaqay in dadka reer gabiley ay ilaa shadaan nabad galyadooda,waxaana uu Xukuumada ku eedeeyey in ay iyadu doonayso in ay dhib gaysato oo aanay shacabkeeda u tudhin.

"Dadka reer gabilay waxaanu ugu baaqaynaa in ay nabad galyadooda ay ilaashadaan,Xukuumadani iyada ayaa dagaalka rabta,iyada ayaa dhibta rabta iyada ayaa rabta in ay wax layso,ka digtoonaada in aad fursad siisaan ay caruurtiina ku layso,waayo waa ay tagaysaa ee yaanay cidna inaga sahayanin,markaa waxaanu idin leenahay isdajiya oo nabad galyadiina illaa shada,waxii idin ka maqana si caadiya u muujiya,oo wax alla wax u diidayaa ma jiraan in aad mudaharaad aad samaysaan waayo sharci u diidayaana ma jiro,sharciguna maaha wax laba nin ay jeebada ku sitaanee,waa ka qoran ee ay Umaddu wada leedahay Mudaharaadna waa la'ogal yahay waana xaq.laakiin mar hadii caqligii aynu dooranay uu kaa yahay,waxii rasaastas aynu kaga badbaadayno falowgeed hala qabto"Ayuu yidhi Md:Maxamed Cabdilaahi Uur-Cadde.

Xoghayaha Xidhiidhka Gobalada Ee Xisbiga WADDANI Md:Cabdilaahi Daamur oo isna halkaasi ka hadlay aya dhankiisa waxaa uu isna si kulul ugu eedeeyey Xukuumadu ay wax ka qaban wayday dhacdadii dilka ahayd ee loo gaystay Saraakiisha Ciidanka Qaranka Somaliland ee lagu dilay Magaalad Qori-Lugud."Saraakiisha  qiimaha badan lahaa,ee cadawgu aanu wareeminee dalka gudihiisa dhabarka laga wareemay,Tacsibaan u gudbinayaa,Marka labaad waxa weeye farsama xumada ay Madaxtooyadu ku dhaqmayso ee dhalisay in Xisbigii maanta talada dalka hayey iyo Xukuumadiiba ay isku raacaan in hawshan ay Xisbiyada Mucaaradku ay ka danbeeyeen,arrinkaasi waa arrin aan meesha qaban kuna jirin,waxaanu leenahay hadii ay fal cidi ka danbaysay,waxaa la'odhan karaa kii qori lugud ayaa ay cidi ka danbaysay,Sababtu waxa weeye 5-cisho ayaa uu falkaasi jiraa,Xukuumadu tacsi may samayn,Madaxweynuhu ka muu hadlin,waayo qof caadi u dhintaybaa loo tacsiyadeeyaa,laakiin nimankaa Mujaahidiinta ahaa ee dagaalka ku jiray ee difaaca dalka u taagnaa,waxaa ku dhacday dhabarkaa laga wareemay,waxa ay Xukuumadu illaa hada ka gaystay oo aanu haynaana illaa hada ma'jiraan oo aan ahayn eedaymo ay Axsaabta Mucaaradka ah ku eedaynayso Xisbiyada ayaa halkaas kiciyey,Xisbiyo ayaa halkaas ka shaqeeyey,Xibsiyaa Gabilay Mudaharaad ka abaabulay.Markaa taa macanaheedu waxaa ay kuu sheegaysaa in Xukuumada maanta jirtaa in aanay diyaar u ahayn in ay dalka ku maamuli karto Maamul Wanaag"Ayuu yidhi Xoghayaha Xidhiidhka Gobalada Ee Xisbiga WADDANI.