Xildhibaano Madaxweynaha Ugu Baaqay Dhaqangelinta Xeerka Saxaafadda Dalka

0
624

Picture5Hargeysa(Geeska)-Xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada Somaliland ayaa Madaxweyne Axmed Siilaanyo ugu baaqay dhaqan gelinta xeerka saxaafadda ee uu madaxweynihii hore Md. Daahir Rayaale Kaahin saxeexay.

Xildhibaanadani waxa ay Madaxweyne Siilaanyo u soo jeediyeen in dacwadda ku socota guddoomiyaha Haatuf Mujaahid Yuusuf Cabdi Gaboobe loo maro xeerka saxaafadda Somaliland. “Sharciyad golaha ka soo dhammaatay, madaxweynii hore saxeexay ilaa maantana ay hayadihii garsoorka iyo xukuumadii diidanyihiin inay ku dhaqmaan, waa sharcigii saxaafadda, waxaad maqlaysaan Xamar waxa ka dhaca, halkana waxa ka dhaca, Xamar waxa ka dhaca saxafi ayaa lagu dilaa, halkana saxafi ayaa lagu xidhaa. Arrintaasi waa arrin naga yaabiyay, ka xildhibaan ahaan waxaan halkan ka jeedinayaa anigoo ah guddoomiyaha guddiga garsoorka cadaaladda iyo xuquuqal insaanka, inaanu sida ugu dhaqsaha badan leh guddi ahaan ugu yeedhi doono xeer ilaaliyaha guud ee qaranka oo aanu weydiin doono waxa loogu dhaqmi waayay xeerkan. Haddii madaxweynaha hore xeerka uu saxeexay lagu dhaqmi waayo, madaxweynaha  dambena xeerarkiisa lagu dhaqmi waayo, haddii  goleyaashu xeerkay soo saaraan lagu dhaqmi waayo, madaxweynuhu digreetadu soo saarana lagu dhaqmi maayo.” Sidaas waxa yidhi Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, oo ka mid ahaa xildhibaanada shirka jaraa’id qabtay, waxaanu intaas raaciyay “Haddii qarankan madaxweyne , guddoomiye maxkamad sare ilaa xeer ilaaliye, xidlhibaan, wasiir iyo  badhasaab sharciga hay’adaha ugu sareeya qaranku raaci waayaan sharcigu ma qabanayo oo keliya muwaadinka iyo saxafiga. Waxaan ku soo gunaanadayaa oo aan leeyahay oo aan madaxweynaha iyo guddoomiyaha maxkamadd sare iyo xeer ilaaliyaha guud ugu baaqayaa in xeerkaas lagu dhaqmo, saxafiyiinta xidhan in xeerkooda lagu dhaqo ilaa inta xeer kale la soo saarayana kaasaa sharci ah, wax alle wixii kale ee saxafi lagu soo oogaana waa waxba kama jiraan, goluhu qaraaro ayuu soo saari doonaa iska horimaad ayaa iman doona sidii waayadii Rayaale iyo golihii hore ayay noqon doontaa, anigu waxaan ka digayaa waynu nabad qabnaa laakiin nabadaasu jiri mayso wanaagaasuna jiri maayo haddii aan shuruucda lagu dhaqmin.”

Xildhibaan Bashiir Tukaale, ayaa isna yidhi,  “Waxaan cod dheer ku leeyahay waar xeerarka dalka u yaala halagu dhaqmo, umadu waxay umad ku noqon kartaa inagoo xeerarkaa ixtiraamna, shalay xarumo warabaahinta ah ayaa la weeraray, haddii ay waxani sidan ku sii socdaan dalkani ma sii jrayo ee waa in sharciga la ilaaliyaa. Madaxweyne saxaafadda aad maanta xidhxidhaysaa waa kuwii adigoo gidaarkaas ka qaylinaya xaqaaga iyo xorriyadaa saxaafadda ku siinayay, markaas maanta inaad xidhxidho xaq uguma lihid, umadu xeer ayay dhigatay, waa in xeerka lagu dhaqmaa.”

Xildhibaan Bashiir, wuxuu intaas raaciyay   “Horumarka marka laga hadlayo waa nidaamka, markaas waxa weeyaan waxaan cod dheer ku leenahay in shuruucda badan ee la jiidhay oo uu ugu horeyeo sharciga saxaafadda ee madaxweynihii hore saxeexay in sidiisa loo fuliyo, xad gudubkana iyo cabudhinta lagu hayana laga daayo saxaafadda, haddii taas la tixgelin waayo waxay noqonaysaa in nidaamku gabaabsi noqdo oo nidaam darro loo gudbo.”

Xildhibaan Cabdikariin Aw Cali Shabeel, ayaa isna soo jeediyay in xeerka saxaafadda loo maro dacwadda ku socota guddoomiyaha Haatuf, isagoo dhinaca kalena saxaafadda u soo jeediyay inay is xakameeyaan.  “Sida aynu ognahay shacbiga Somaliland golaha xeer dejintu waxay uu u qaabilsanyahay xeer dejinta iyo ku daba galka xukuumadda wixii xeerar ah ee golaha ka soo baxay in la fuliyo iyo arrimaha kale ee maamulka iyo habka dawladnimo sidii loogu tallo galay inay u socoto inay ku daba galaan.” Ayuu yidhi xildhibaanku, waxaanu intaas raaciyay “Arrinkan xildhibaanadu ay ka hadleen waxaan aniguna tilmaamayaa sidaas ay u dhigeen soo jeedin maadaama xeerkii saxaafadu uu golaha ka baxay oo uu dhaqan galay waxaynu ka war qabnaa maxkamadii qaadaysay kiiskii Haatuf, in loo cuskanayay xeer ciqaabeed, waxaan markaas soo jeedinaynaa haddii xeerarka golaha ka baxa la fulin waayo oo maxkamaduhu fulin waayaan madaxweynuhuna ku daba geli waayo, isagay tahay inuu hay’adaha garsoorka ku daba galo in sida ay yihiin ay ugu dhaqmaan. Waxa kale oo aan soo jeedinayaa jaraa’idkeena qaar inay ka waantoobaan iyaga qudhigoodu wixii aflagaado ee shaqsi ah ee qofka karaamadiisa iyo wax u dhimaya.”

Xildhibaan Ibrahim Jaamac Rayte, ayaa isna yidhi  “Xeer ayay ku dhisantahay nabadgelyada iyo wadajirka umadu, haddii xeer la waayo dawladnimo iyo nabadgelyo iyo wada jir waa la waayayaa, Somaliland xeer la’aan kuma dhismayso. Yuusuf Cabdi Gabobe waxa lagu eedaynayaa inuu qoray warar ay dad gaar ahi ka cawdeen, adduunka way ka dhacdaa oo xeer ayaa ka yaala, waana xeerka saxaafadda, haddii Yuusuf Cabdi Gaboobe uu cadeeyo in waxaas uu qoray uu cadaymahoodu uu run yahay, si kasta haw dhacdo’e wax ka soo qaad ma leh, haddiise uu cadayn kari waayo oo uu qofka kale cadeeyo wararkaasi inay been yihiin markaas Yuusuf iyo jariiradiisa waxa waajib ku ah inay mag dhow bixiyaan, meesha marna xadhig ma jiro, xeer ciqaabeed maaha, way cadahay, xeerka imika Haatuf lagu qaadayaa waa xeerkii ciqaabta Somaliya.”