Xildhibaano Ka Tirsan Golaha Deegaanka Berbera Oo Eedaymo U Jeediyay Badhasaabka Saaxil

0
554

Picture3Hargeysa(Geeska)-Qaar ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka ee Berbnera, ayaa dhaliilo xoogan oo dhanka wada shaqaynta iyo amniga ah u soo jeediyay badhasaabka gobalka Saaxil.

Xildhaanadan waxay badhasaabka ku eedeeyeen inuu gobalka ku hayo iska horkeen iyo kala qaybin uuna  xabsiga dhigay cuqaal deegaanka ah isla markaasna uu hadana soo daayay iyaga oo aan wax lagu xidhay aan la garan. Waxaanay madaxweynaha ugu baaqeeen inuu arinkaas wax ka qabto.

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xaaji Yuusuf oo ugu hortayntii shir jaraa’id oo xuldhibaanadaasu ay qabteen ka hadlay ayaa yidhi “ Gudoomiyaha gobalka Saaxil bulshada gobalka Bebera waxa uu ku hayaa dhibaato weyn, gobalka Saaxil anigu waxaan ku misaali lahaa diyaarad hawada maraysa oo bilaa duuliye ah gobalkiina meel uu ku dagaayo lama garanaayo oo duuliyihii naloo soo magacaabay waxa uu noqday mid shaqadiisii  aan ka soo baxin karin, arin cajiib ah ayaa nagu dhacay aniga iyo xildhibaano kale waxa la soo xidhay cuqaashii gobalka Saaxil qaar ka mid ah waxaanu damacnay inaan soo damiinano anagoo xildhaanadii deegaankan loo soo doortay ah gudoomiyaha gobalka ayaan waydiinay waxa cuqaasha lagu soo xidhay waxaanu yidhi ma ogi, taliyahii qaybtaan u tagnay waxaanu yidhi badhasaabka ayaa I amray,markaanu saddex saacadood wareegaynay ayaa shaqaale kale ay sii daayeen cuqaashii  ilaa hadana garan mayno meel laga haystay, waxaanu u aragnay xaalad gaar ah inay tahay oo amni daro oo gabalku uu galay.”

Xildhibaan Iid Saleebaan Cali ayaa isaguna yidhi sidan “ Badhaasabkan intuu gobalka joogay arimo badan oo gobalka iyo dalkaba amni daro ku dhalinaaya ayuu sameeyay, waxaanu leenahay nabadgalyo daradaas cida wada badhasaabka ayaa kow ka ah, waxa uu ka shaqaynayaa kala-qoqobka iyo bulshadii oo layska hor keenayo, madaxweyne waxaanu ka wakiilnahay dadka deegaanka waxaanu ku soo gaadhsiinaynaa baaqaas oo ah in ninkaas badhasaabka ah ay shaqadiisii dayacantahay.”

Sida oo kale xildhibaan Maxamed Cabdilaahi Aw Aadan (Bidhiidh) ayaa isaguna soo jeediyay eedaymo noocan oo kale ah “ Madaxweyne halkan waxaanu kaaga soo gudbinaynaa dhaliilaha laf jabka ah ee ka taagan gobalka Saaxil  oo aniga iyo xildhibaanaduba aanu u aragno inay yahiin kuwo abuuraaya nacayb,kala qoqob iyo iska horkeen  iyo xukunka iyo bulshada Saaxil oo layska horkeeno, runtii madaxweyne gobalka Saaxil mudadii imika loo soo magacaabay badhasaabka  jooga  dhalinyaradiibaa ka tahriibtay, dadka gobalku dooni maayaan in cuqaashooda iyo wax garadkooda inta lagu tunto in xabsiga lagu soo tuuro oo aan waba laga qorin in hadan suuqa lagu daadiyo.” 

Ugu danbayntii waxa isaguna halkaas ka hadlay Xildhibaan Maxamed Cali Axmed oo isaguna xildhaanadan ku waafaqay dhaliishan ay u soo jeediyeen badhasaabka gobalka Saaxil.