Gobalka Hawd Oo Shalay 2-1 Kaga Adkaaday Gobalka Badhan

0
518

Picture2Waxaa maalintii shalay garoonka Hargeysa Stadium fooda is daray Xulalka Gobollada Hawd iyo Badhan, kulankaas oo uu xulka Gobollka Hawd ku guuleystay 2-1. Gobollka Hawd ayaa iska caabin xoogan kala kulmay xulka Gobollka Badhan oo abid markii ugu horaysay ka soo qayb galay tartanka ciyaaraha Gobollada Somaliland, waxaana qaybtii hore ee ciyaarta la odhan karaa labada Gobollba may kala dhaceen oo waxa ay iskugu jawaabayeen weeraro is daba joog ah. Dhamaadkii qaybtii hore ee ciyaarta daqiiqadii 43-aad ayaa xulka Gobollka Hawd ay u suurto gashay inay la yimaadaan goolkii furitaanka ciyaarta, waxaana madax ku dhaliyay laacibka da’da yar ee baasha midig ee difaaca ka ciyaara Cabdicasiis Garaad (Gadhyar) oo shabaqa Badhan ku hubsaday markii uu kubada koorne ahayd uu madax ku dhaliyay, waxaana qaybtii hore ee ciyaarta lagu kala nastay 1-0 uu Gobollka Hawd hogaanka ku hayo.

Qaybtii labaad ee ciyaarta markii la iskugu soo noqday, ee Goboll walbaa wada tashi la soo yeeshay tababarahooda, waxaa ciyaartii isu bedashay mid ka xiiso baddan qaybtii hore, waxaana Gobollka Badhan oo aad mooday inuu dardar xoogan garoonka la soo galay, maadaama gool hogaanka ciyaarta lagaga hayo uu la yimid goolkii lagu lahaa, waxaana daqiiqadii 56-aad ee qaybtii dambe ee ciyaarta u dhaliyey  Maxamed Cabdilaahi (Deeqaw) oo sitay numberka 11-aad. Intaas ka dib xamaasadii ciyaarta ayaa cirka isku sii shareertay, waxaana labada Gobollba ay la yimaadeen fursado ay goolal ku dhalin karayeen. Ka dib markii uu tababaraha Gobollka Hawd uu bedal sameeyay, ayaa aakhirkii ciyaarta daqiiqadii 82-aad xulka Gobolka Hawd la yimid gool aad u qurux badnaa oo si xirfadaysan ay iskugu soo dhiidhiibeen ciyaartoyda Hawd, waxaana goolkaas u saxeexay Khaalid Axmed Gaboose (Diiga) oo qaybtii dambe ee ciyaarta bedal ku soo galay. Intaas ka dib xulka Gobollka Badhan oo la odhan karo waxa ay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u sareeya oo aan laga filayn, ayaa isku dayo baddan oo ay isku dayeen nuskii dambe ee ciyaarta ay u suurto gali wayday inay la yimaadaan goolka la dheer yahay, waxaana ciyaartii ku soo idlaatay in Xulka Gobollka Hawd ay la hoydaan guul, kuna guuleystaan 2-1. Dhanka kale waxaa maanta fooda is dari doona afar gobal iyadoo maanta laga bilaabo inta laga gaadhayo Semi Finalka la ciyaari doono maalintii laba kulan.

Ciyaarta koowaad ee maanta waxaa wada ciyaari doona Gobollada Sanaag iyo Salal, halka ciyaarta labaad ay ka wada ciyaari doonaa Gobollada Saaxil iyo Daad-Madheedh.