Magacyada Saddex Jaamacadood Oo Ay Wasaarada Waxbarashadu Liisanka Kala Noqoday

0
424

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare Md. Cabdilaahi Ibraahim Habane ayaa ku dhawaaqay inay ruqsadii shaqo kala noqdeen saddex jaamacadood oo ku yaala dalka, kuwaas oo ka soo bixi wayay kaalintoodii.

waxa uu sidan wasiirku ku sheegay shir jaraa'id oo uu ku qabtay xarunta wasaarada waxbarashada waxaana hadalkiisa ka mid ahaa "Komishanka jaamacadaha maadaama oo ay u xilsaaran yihiin in rugsada shaqada ee kumeelgaadhka ah jaamacadaha siiyaan ee ay ku shaqo galaan, kuna dabo galaan, taas oo noqonaysa in kumeelgaadhnimadii ay ka baxeen iyo in ruqsada lagala noqdo, anaguna wasaarad ahaan markaanu ku qanacnay asbaabta ay u cuskadeen, waxaanu u bayaaminaynaa dadweynaha in lagala noqday ruqsadii shaqada jaamacadaha.”

Wasiirka oo magacaabaya jaamacadaha ruqsada lagala noqday wuxuu yidhi “Togdheer International University oo Burco ku taalay dadkii gobalkaasna khalkhal galisay,Al Maxad Al Caali University isaguna waxa uu ka soo baxi waayay shuruudii jaamacadi lahayd, Horn  International University Hargeysa waxay isku qabsadeen qolo kale wakiilnimada, markii ay ka baaraandageen wakiilnimadii danbe meesha ayay ka saareen"