Xildhibaano Ka Hadlay Xeerkii Xaaladda Deg Dega Ah Ee Ay Xukuumaddu Barlamaanka Horkeentay

0
948

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay xeerkii ay xukuumadu doonaysay inay xaalad deg deg ah ku soo rogto degmooyinka Ceerigaabo, Gar-adag iyo Ceel-afwen.

Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige iyo Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac, oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi gaar ah siiyey ayaa ugu horeyn Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige wuxuu hadalkiisi ku bilaabay “Gacan ku dhiiglayaasha dilka geystay in la soo qabto, oo sharciga la hor keeno anagaa ayaa ogol, aad iyo aadna waanu uga xunahay dilkaas gardarada ah ee lagu dilay Labada Sarkaal, laakiin laba maalmood ka hor ayaa dil uu ka dhacay Gobolka Sanaag, wax bandooya oo ay Xukuumaddu soo rogtayna ma jirto, marar badan ayaa dagaalo Beelo ahi isku dileen Gobolka Sanaag iyo Sool, oo dad aad iyo aad u tiro badan baa ku naf waayey  wax bandooyana laguma soo rogin, imilkana Xukuumaddu waddo ay ku soo qabato gacan ku dhiiglayaasha may garan waayin, bandoon dalka lagu soo rogana gacan ku dhiiglayaal laguma soo qabto, ee sababta ay ilaa hadda u doonayso bandooga anagu garan mayno, Barlamaanka labada Gole haddii aanu nahayna inta ogolaatay waa la garanayaa, oo ilaa 38 muddane ayaa ogolaaday, anaga oo boqol iyo dheeraad ku fadhinay, markaas sabab khal-khal loo galiyo Barlamaankana ma jirto, mar haddii la diidayna dib looma soo celin karo oo waa sharci daro, Xukuumadduna inta ay bandoo doonayso dadka dhibaataysan ee ay abaaruhu hayaan ee biyo la’aantu hayso wax ha u qabato, Xukuumaddani   dimuqraadiyadii meel bay kaga dhacday,dalkiina waxay galisay go’doon, xukun milatarina ka socon maayo, ee Xukuumadda Muuse Biixi dhaqankeeda iyo maamulkeeda wax ha ka badasho, oo dawladnimadu waxay tahay ha barato”

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo isna arintan ka hadlaya ayaa yidhi “Labada Gole ee Guurtida iyo Wakiilada haddii aanu nahay wixii ka dhacay Mooshinka ay Xukuumaddu wadatay waa la arkaayey, anagu waajibkayagii dastuuriga ahaa ayaanu gudnay, mar kasta oo Mooshinkan la keenana waxaanu kaga jawaabayno waanu garanaynaa, waxaa dalka u dan ahna waanu garanaynaa, Magaalada Muqdisho iyadoo maalin waliba masuuliyiin lagu laayo oo dad rayid ah lagu laayo, ayaan haddana wax bandooya aan la saarin, Dawladduna iyada oo  wax bandooya aan meelna saarin ayey haddana amaanka sugi kartaa, oo dadkii saraakiisha laayey ay soo qaban kartaa, ee Gobolada iyo Deegaanadu Barrigu aad u dayacan yihiin, wax loo qabtayna ma jiraan, abaaro ayaa ka jira, oo biyo yari ama biyo la’aan baa ka jira, oo waa kuwii dad haraad ugu dhinteen, markaas Deegaanada Gobolada Barri oo markii horeba handaraabna in handaraab kale iyo bandoo kale lagu qufulo uma baahna, ee Dawladdu dib ha iskugu noqoto, oo khaladaadkeeda dib ha u saxdo, oo wixii aan macquul ahayn umadda yaanay ula iman,  Ciidanka iyo Askarta in la ilaaliyo, oo la tixgeliyo, waa mid waajib ah, oo waliba umaddu tixgeliso, ciddii dhagarta gashayna waa la garanaya ee halkay joogaanba ha lagu tago, oo ha la soo qabto”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here