Labada Gole Baarlamaan Oo Fasax Galay Iyo Saamaynta Uu Mawqifkii Goluhu Ku Yeelanayo Siyaasadda Madaxtooyada

0
1026

Hargeysa(Geeska)-Xoghayaha golaha guurtida Somaliland Cabdinaasir Aadam Beegsi ayaa sheegay in la baajiyay fadhi la filayay in labada gole Baarlamaan maanta dib la isugu soo noqdaan, ka  dib markii uu guddoomiyaha golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax, si kedis ah u xidhay fadhigii labada gole ee khamiistii, oo codka kalsoonida loogu qaadayay xeer uu Madaxweynuhu ku doonayay inuu xaalad deg deg ah ku soo rogo magaalooyin ka tirsan gobalka Sanaag.

Wuxuu xoghayaha guurtidu sheegay inay labada gole galaan fasaxoodii rasmiga ahaa ee bisha barakaysan ee Ramadaan, waxaanu sheegay inay amarkan fasaxa labada gole soo fareen shirguddoonka labada gole baarlamaan.

Fasaxan la siiyay labada gole ayaa ku soo beegmaya ka dib markii uu Madaxweyne Biixi mucaaradad adag oo aan la filayn kala kulmay labada gole oo uu horgeeyay codsi uu ku dalbanayo in codka kalsoonida loogu qaado xeerka ku saabsan xaaladda deg dega ah.

Fadhigaas khamiistii oo ay fadhiyeen 107 xildhibaan, ayaa waxa uu guddoomiye Baashe xildhibaanada weydiistay inay codka  kalsoonida u qaadaan, iyadoo ay gacanta taageen oo ogolaadeen xaaladan deg dega ah xildhibaano aad u tiro yar oo gaadhayay 38 xildhibaan, laakiin guddoomiye Baashe oo ay ka muuqatay inuu xildhibaanada kala kulmay u qaadan waa’, ayaa si deg deg ah u xidhay fadhigii, isagoo ku wargeliyay inay Sabtida isu soo noqdaan, waxaanay xildhibaanada badankooda oo xeerkan diidanaa aad u cambaareeyeen talaabada guddoomiye Baashe Maxamed Faarax uu golaha ku xidhay.

Haddaba, iyadoo la sugayay in maanta la isugu soo noqdo fadhiga, ayaa waxa shalay si kedis ah u soo baxay warka uu xoghayaha golaha guurtidu hawada u mariyay xildhibaanada ee ah fasaxa bisha barakaysan ee Ramadaan.

Dad badan ayaa filayay in Madaxweyne Biixi uu weerar rogaal celis ah maanta ku soo qaadi doono fadhiga labada gole oo uu awoodiisa isugu gayn doono inuu labada gole marsiiyo xeerka xaaladda deg deg ah, laakiin taas bedelkeed waxa si aan rasmi ahayn u muuqata in madaxtooyadu si aan toos ahayn u aqbashay go’aanka labada gole baarlamaan.

Lama garanayo in Madaxweynuhu go’aansady inaanu culays saarin xildhibaanada labada gole baarlamaan islamarkaana aanu u hawlgelin sidii uu u kala furfuri lahaa xildhibaanada iyo inuu diyaarsaday qorshe labaad oo uu ku waajaho xaaladda gobalka Sanaag oo uu sidaas kaga maarmay xaaladii deg dega ahayd maadaama oo ay Baarlamaanku diideen.

Qaar ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada oo uu wargeyska Geeska Afrika kala sheekaystay inay saadaal ka bixiyaan talaabooyinka laga filan karo Madaxweyne Biixi, mar haddii la baajiyay fadhiga maanta ayaa waxay tilmaameen inaanay suurtogal ahayn in mar dmabe la horkeeno labada gole baarlamaan xeerkan xaaladda deg deg ah, “Laakiin ma qiyaasi karno.” Ayay yidhaahdeen “Qorshaha kale ee madaxtooyada u meel yaala.”

Talaabadan ay qaadeen labada gole baarlamaan, ayaa marka dhinaca siyaasadda laga eego waxay muujinaysaa heerka ay siyaasiyan miisaan leedahay xukuumadda Madaxweyne Biixi, si kale marka loo eegana waxay tilmaan ka bixinaysaa rajada laga qabo in la heli karo awoodihii isu dheeli tirnaa ee qaranka oo sannadihii u dambeeyay isku dhex darsamay.

Dad badan ayaa u arka in xeerkan xaaladda deg dega ahi ay Madaxweyne Biixi iyo xukuumadiisa u ahayd fure ay ku tijaabin karayeen kalsoonida ay ku haystaan labada gole Baarlamaan ee guurtida iyo wakiilada. Haddii ay madaxtooyada xeerkan baarlamaanka uga heli lahayd kalsooni shilis waxa muuqan lahayd taageerada siyaasadeed ee uu Madaxweynuhu ku haysto Baarlamaanka, laakiin imika waxa ay dad badani arkaan in taageerada madaxweynuhu ku dhex leeyahay labada gole tahay mid weyd ah.

Si kastaba ha ahaate, waxa muuqata inuu baaqday xeerkii xaaladda deg dega ahaa ee uu Madaxweynuhu doonayay in lagu soo rogo saddex degmo oo ka tirsan gobalka Sanaag, waxaana la eegi doonaa jidka uu Madaxweynuhu mar kale u jeexo dejinta iyo wax ka qabashada xaaladda gobalka Sanaag.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here