Xildhibaano Ka Hadlay Xaaladda Dalka Iyo Nolosha Shacabka

0
736

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaano ka tirsan Golayaasha Guurtida iyo Wakiilada, ayaa ka hadlay marxalada siyaasadeed ee uu dalku marayo, siyaasadda arrimaha dibadda, siyaasadda arrimaha guddaha iyo qodobo kale.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud oo ka tirsan Golaha Wakilada iyo  Xildhibaan Muuse Ibraahim Aw Nuur,oo ka tirsan Golaha Guurtida, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika, ayaa ugu horeyn  Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud oo ka hadlaya Xeerka Doorashada ee Wakiilada, ee ku jira ajandaha kal-fadhigoodan,iyo ismarin waaga Xisbiyada ayaa yidhi “Waa dhab oo Ajandahayaga Kal-fadhigan ayuu ku jiraa Xeerka Doorashadu, Gole ahaana haddii Rabi xukumo waanu ka gudan doonaa waajibkayaga, laakiin ilaa hadda Xisbiyadii may gaadhin wax xal ah oo ay isku af garteen, waxaana looga baahan yahay inay si fiican u wada hadlaan, oo khilaafkooda soo af jaraan, isku tanaasul iyo heshiisna ku soo af jaraan”.

Mar uu ka hadlaayey Siyaasadda Arrimaha Dibadda iyo Weftigii Eretariya ee dalka yimid ayaa yidhi “Weftigan culus ee inooga yimid dalka Eretariya si fiican baynu u soo dhaweeynay, si fiicana weynu u qaabilnay, Eretariyana,inaynu yeelano xidhiidh cusub, waa mid loo baahan yahay, madaama aynu nahay jaar, sidaynu xidhiidh fiican u leenahay Wadamada Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya, inaynu Eretariyana xidhiidh xidhiidhkaas la mid inaynu yeelano waa mid loo baahan yahay, waana inaynu xoojinaa oo aynu mucaarad iyo muxaafidba ka wada qayb qaadan xoojinta siyaasadda Arrimaha Dibaddeena, isla markaana meel uga soo wada jeesana Ictiraaf raadinteena, waana inaynu is bedelada ka socda Caalamka iyo Geeskaba aynu doorkeena ka ciyaarna”.

Mar uu ka hadlaayey Siyaasadda ganacsiga iyo sicir bararka iyo nolosha shacabka ayaa wuxuu yidhi “In qiimaha sarifka lacagta doolarku jabo, oo lacagteenu tayo yeelato, waa mid loo baahan yahay, Xukuumadda, Wasaaradda Maaliyadda iyo Baankaba Dhexeba waa inay mar walba la yimaadan Siyaasad ay ku tayeeynayana tayada lacagteena, Ganacstadana waxaa looga baahan yahay in aanay maceeshada qaali ka dhigin ee ay jabiyaan, oo dadkooda u naxariistaan, waxaa kale oo la inooga baahan yahay inaynu qabyaalada laga dheerada, oo qaranimada aynu wada ilaashano, waxaa kale oo la inooga baahan yahay inaynu is caawino, oo wixii dhib iyo culays ah ee soo kordha inaynu is wada jir ah iskaga caawino, tusaale ahaan Deeganka Gobolka Sanaag, gaar ahaan Sanaag Barri, waxaa ka jira biyo yaraan oo waa kuwii dad u dhintay haraad iyo biyo yaraan, waa inaynu biyo iyo gargaar deg deg la gaadhna dadkaas oo ah dadkeenii, waliba halkay Ciidamadu degeen, Ceel baa ka qodnaa, ee waa in Ceelkaas loo hagaajiya, oo si fiican loogu qodaa, loona habeeya”.

Xildhibaan Muuse Ibraahim Aw Nuur ayaa isna isagoo ugu horeyn ka hadlaya Doorashada iyo is marin waaga Xisbiyada ee aan wali laga gaadhin xalka ayaa yidhi “Anagu Guurti ahaan markii aanu eegnay baahida Doorashada loo qabo, waxaanu isla garanay isla markaana go’aaminay in muddo kordhin wax walba lagu qaban karo aanu u sameeynay Wakiilada, imikana waataas oo Xeerkii Doorashada waxaa lagu soo daray kal-fadhigooda, xilkooda ayey ka gudan doonaan, laakiin Xisbiyada waxaan ugu baaqay inay sida ugu dhakhsaha badan u heshiiyaan,waxaana aad iyo aad ugu rajo weynahay in wada hadalkoodu oo ka soo bixi doono midho dhal fiican, iyo heshiis”.

Mar uu ka hadlaayey Siyaasadda Arrimaha Dibadda ayaa yidhi “Madaama aynaan wali aqoonsi Caalmiya ka helin Caalamka, waxaa la inooga baahan yahay inaynu Caalamka tusno qaranimadeena,wado kasta iyo dhab kasta oo aynu u marayno helida aqoonsigeenana waa inaynu sameeynaynaa, cid kasta oo soo dhaweeynaysa qaranimadeenana, inaguna weynu soo dhaweeynaynaa, Somaliya waxaanu leenahay midnimo dambe ma jirto ee aynu ahaano laba dal oo jaar ah”.

Mar uu ka hadlaayey nolosha shacabka iyo ganacsiga  ayaa wuxuu  yidhi “Dawladda, Ganacstada iyo guud ahaan umadda reer Somaliland, waxaan leeyahay dadkeenkaas Gpbolka Sanaag biyo la’aantu ku hayso, ee haraadku hayo, aynu u gurmano, oo gurmad deg deg ah aynu la gaadhno, oo qof walba wixii karaankiisa ah ha ku darsado, ALLENA waxaynu ka baryeynaa inuu raxmaadkiisa inoo shubo, ta kale guud ahaan umadda reer Somaliland meel kasta iyo gobol kasta oo degan tahay waa wada walaalo, oo waa isku qaran, ee qabyaalada oo dhinaca xun laga isticmaala waa qudhun, ee aynu ka fogaano, oo qaranimada aynu wada ilaalino, dhinaca kale Ciidamada nabadgalyada Waddooyinka, waxaan u soo jeedinayaa talooyin gaar ah oo ah in caruur aad u yar yar oo aan qaan-gaadh ahayni in baabuurtii loo dhiibayo, taasina ay keentay in shilal badani ay dhacaan, markaas aad Ciidamadu ha ugu fiirsadan Darawada baabuurta wadda, da’dooda, iyo macluumadkooda la xidhiidha gaadiidka ay wadaan,nidaamka iyo xawaaraha ay ku wadaan, sideedabana waa in Gadiidka loo wada si aan xawli iyo xawaare ahayn”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here