Hay’adaha Ammaanka Oo Eeddo Musuqmaasuq U Xidhay Agaasimihii Guud Ee Warfaafinta Ee Is Casilay

0
797

Hargeysa(Geeska)-Hay’adaha ammaanka ayaa xabsiga u taxaabay agaasimihii guud ee wasaaradda Warfaafinta Dr. Cismaan Xuseen Warsame oo dhawaan xilkaas iska casilay, sidoo kalena waxay hay’adaha ammaanku xidheen Agaasimihii maamulka iyo lacagta ee wasaarada warfaafinta Xasan Maxamuud Maxamed.

Dhawaan ayaa la sheegay in hantidhawrka guud ee qaranku uu xeer ilaalinta u gudbiyay masuuliyiin lagu helay musuq, waxaana uu hantidhawrku uu baadhitaan ku sameeyay wasaarado,haayado iyo xarumaha qaar ka mid ah dawladaha hoose ee dalka.

Xukuumada Somaliland ayaan wali ka hadal sababta loo xidhay masuulyiintan, laakiin Caasha Faarax Maxamed oo ah xaaska Cismaan Xuseen Warsame ayaa ka warantay xiliga ninkeeda la xidhay iyo qaabka loo qabtay“ xalay ( habeen hore ) kowdii iyo badhkii waxa noo soo daatay ciidamada, qofka kiis waa lagu helaa waana lagu soo oogi karaa laakiin qof la heli karaayo oo madax ah oo dalkiisii jooga oo inta gurigiisa saq dhexe loo soo daato oo la xidhxidho dumarkii oo daaqadaha looga soo daato waaa wax aad u fool xun.”

Sida oo kale marwo Caasha ayaa ka hadashay xaalada caafimaad ee odaygeeda oo iscasilaadiisa ku sababeeyay xaalad caafimaad“ Isaguna xaalad caafimaad ayuu isku casilay oo caafimaadkiisu aad ayuu u xun yahay qaliin ayuu galay macaan ayuu leeyahay, aniguna way I kaxaysteen waanay I tukhaan tukhiyeen umulna waan ahay laakiin wax kale iimay gaysan oo CID-da ayay I geeyeen laakiin way isoo celiyeen markiiba.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here