Ma Madaxweyne Biixi Ayaa Socdaal Ku Tagaya Asmara Mise Madaxweyne Afawerki Ayaa Hargeysa Imanaya?

0
1061

Hargeysa(Geeska)-Ka dib socdaalka saddexda maalmood maraya ee uu wasiirka arrimaha dibadda Ereteriya Cismaan Saalax iyo la taliyaha Madaxweynaha Ereteriya Yemane Gebreab ay ku yimaadeen magaalada Hargeysa, waxa soo baxaya warar sheegaya inay dhawaan kulan yeelan doonaan labada madaxweyne ee Somaliland iyo Ereteriya Muuse Biixi Cabdi iyo Isaias Afwerki.

Wasiirka arrimaha dibadda Ereteriya Cismaan Saalax, ayaa markii uu Madaxweyne Biixi kulanka la yeeshay wuxuu sheegay Madaxweynaha Ereteriya u soo diray Somaliland si ay wax badan uga ogaadaan xaaladda Somaliland ku sugantahay, maadaama oo ay Ereteriya hawada ka maqnayd muddo 20 sanno ku siman oo ay cunoqabatayni saarnayd, waxaanu sheegay inay Madaxweynaha Ereteriya gaadhsiin doonaan waxyaabaha ay ku arkeen Somaliland.

Ka dib socdaalka masuuliyiintan Ereteriya ku yimaadeen magaalada Hargeysa, waxa la sugayaa inay kulmaan labada madaxweyne ee labada dal.

Waxa soo baxaya warar sheegaya suurtogalnimada in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu socdaal ku tago dhawaan magaalada Asmra ee caasimadda Ereteriya, waxaanay wararku intaas ku darayaan in Madaxweyne Afawerki weftigiisan u soo dhiibay martiqaad rasmi ah.

Warar kalena waxay sheegayaan in laga yaabo in Madaxweynaha Ereteriya Isaias Afwerki uu socdaal ku iman doono caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ka dib markii uu Madaxweyne Biixi u fidiyay martiqaad uu ugu dhiibay weftiga.

Si kastaba ha ahaate, waxa ay wararku tilmaamayaan inay u dhowdahay in Madaxweyne Biixi uu dhawaan socdaal shaqo ku tago magaalada Asmara si uu ula kulmo dhiggiisa Ereteriya.

Labada masuul ee Ereteriya ee Wasiir Cismaan iyo la taliye Yemane Gebreab, ayaa ah laba nin oo aad ugu dhow-dhow Madaxweyne Isaias Afwerki, waana baalasha uu Madaxweyne Isaias Afwerki ku duulo, waxaanu Wasiir Cismaan Hargeysa ka sheegay in Madaxweyne Biixi siiyay warbixin Somaliland ku saabsan oo uu ku tilmaamay mid xiiso leh oo muhiim ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here