Xildhibaano Ka Hadlay Waxyaabaha Laga Filanayo Madaxweynaha La Doortay, Caqabadaha Horyaala Iyo Meelaha Ay Tahay Inuu Abaaro

33
3063

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan iyo Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa sheegay in Madaxweynaha la doortay ee Muuse Biixi duruufo badan oo dalka ku gadaamani oo bulshada haystaa ay sugayaan, loogana baahan yahay inuu wax ka qabto.

Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan iyo Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Golaha Wakiilada waxaana ugu horeyn Xildhibaan Siciid Cartan hadalkiisi ku bilaabay sidan ‘Madaxweynaha la doortay ee dhawaan taladda dalka la wareegaya hawl badan baa u taala,dal duruufo  badani haysto ayuu la wareegayaa, waxaan ALLE uga baryeynaa inuu u fududeeyo,waxaan ka rajaynaynaa inuu Madaxweynaha inuu soo xulo Wasiiro  dalka iyo dadka aan ka shaqaysan ee u shaqaya, sicir bararka, shaqo la’aanta iyo dhibatooyinka kale ee badan haddii ay tahayba inuu xalkeeda raadiyo ayaanu eegaynaa, Muuse Biixi  nin siyaasada ku cusub maaha,  intaasna dalka xogogaal buu u ahaa, waanu joogay, duruufada ka jirana uu ka dharagsan yahay’.

Xildhibaan Siciid Cartan mar uu ka hadlayey Golayaasha Sharci dejinta iyo faragelinta Xukuumaddaha ayaa yidhi ‘Hawlaha Golayaashu wey kala duwan yihiin, haddii ay kala yihiinba Guurti, Wakiilo iyo Xukuumadba, Dastuurka ayaana kala caddeynaya, oo mid waliba hawshiisu ku caddahay, ee waxaan ku talinyaa in qolo walba wuxuu dastuurku siiyey inay ku dhaqanto, Muusena waa nin sharciga ku adag waxaanu mari doonaa wuxuu dastuurku siiyey’.

Xildhibaan Siciid Cartan mar uu ka hadlaayey Miisaaniyadda Sannadkan ayaa yidhi ‘Mar haddii uu muddo xilkeedkii Xukuumadda Siillaanyo, dhammaaday Xukuumad Muuse ayey Miisaaniyadu u taala, hawlaha ugu horeeysa ee ay qabanayso ayaan filayaa inay tahay’.

Xildhibaan Cabdiqaadir jibriil Tukaale ayaa isna yidhi ‘Doorashadii waa laga soo gudbay, tartan dheer iyo ololihii waa laga soo gudbay, ee Madaxweynaha la doortay ee Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) marka hore ALLE xilka ha ku asturo,balse taladdaydu waxa weeye in Madaxweynuhu umadda u xaqsooro, oo cadaalada iyo sinaan ugu xaqsooro, oo bari ilaa galbeed u cadaalad sameeyo, waxyaabaha ugu muhiimsan ee loo baahan yahay inuu wax ka qabtana waxa ka mid ah dhibaatada ka taagan dhulka, oo maanta waxa ayaan daro ah in dadka dhinta loo iibinayo dhul, lagu aaso, markaas qorshe ku aadan dhibaatada dhulka inuu la yimaado ayaan kula talinayaa’.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale oo ka hadlaya Golaha Wakiilada iyo Xukuumadda ayaa yidhi ‘Shuruucda la jabiyey, xeerarka la baalmaray iyo musuqa inuu wax ka qabto ayaan Madaxweynaha ugu baaqayaa, inta badan Xukuumadduhu faragelin bay ku hayeen Wakiilada ee in aanay Xukuumadda Muuse Biixi iska ilaalinayso faragelinta wixii sharciya mooye ayaan ku baaqayaa, in Umadda loo shaqeeyo, oo daacad loo noqdo oo dhibtaas jirta laga saaro ayaan ku baaqayaa’.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here