Maxay Madaxweyne Siilaanyo Ku Noqonaysaa Haddii Uu Wareejiyo Dayntii Uu Rayaale Ku Dhaliili Jiray?

27
3021

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha talada wareejinaya toddobaadkan Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa la filayaa inuu madaxweynaha la doortay ku wareejiyo dayn laxaad leh oo la sheegay inaan la filayn.

Inkastoo aanu jirin war rasmi ah oo la xidhiidha xadiga daynta uu madaxweynaha hore iyo xukuumadiisu ku wareejin doonaan madaxweynaha la doortay iyo xukuumadiisa, haddana warar soo baxaya ayaa sheegaya in daynta la wareejinayaa isugu jirto laba dhinac. Qayb ayaa ah dayn guud oo qaranka iyo hay’adihiisa kala duwan lagu leeyahay kuwaas oo u badan raashinka ciidamada, shidaalo iyo adeegyada kale ee dawladda loo qabto, waxase jirta dayn kale oo aan u muuqan inay tahay dayn qaran balse ah dayn ay shakhsiyaad galeen waxaanay u badantahay dayntaasi baabuur la siiyay dad shacab ah oo looga qaaday macdaaro dhawr ah oo ku yaala Hargeysa. Laakiin waxa la sheegay inaanay jirin mushahar ay leeyihiin shaqaalaha iyo ciidamada oo uu wareejinayo madaxweyne Siilaanyo.

Guddiga xil wareejinta ee uu madaxweynaha la doortay magacaabay oo uu Geeska Afrika isku dayay inuu wax ka weydiiyo arrintan ayaanay u suurtogelin.

Hase yeeshee dayntan uu madaxweynihii hore ku wareejinayo madaxweynaha la doortay ayaa Madaxweyne Siilaanyo ku noqonaysa mid taariikhda u gasha, maadaama oo 2010 markii xilka loo doortay uu aad uga qayliyay dayn uu madaxweynihii hore Md. Daahir Rayaale ku wareejiyay taas oo dhammayd 90 bilyan oo lacagta Somaliland ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here