Xildhibaano Guurti Ah Oo Ka Hadlay Bilowga Diiwaangelinta

0
591

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaano ka tirsan Golaha Guuritada ayaa ka hadlay Diiwaangelinta cod bixiyayaasha oo la filayo inay dhawaan ka bilaamato Gobolka Togdheer, waxayna Xildhibaanadani soo jeediyeen in aad loo ilaaliyo oo xil dheerad ah la iska saaro Diiwaangelinta, si aanu khalad ugu iman.

1

Xildhibaanadan oo kala ah Xildhibaan Axmed Maxamed Cabdi Shide iyo Xildhibaan Jirde Siciid Maxamuud oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaa ugu horeyn uu  Xildhibaan Axmed Maxamed Cabdi Shide sheegay in Wasaaradda Arrimaha Gudduhu aanay xil dheeraad ah iska saarin Diiwaangelintii Madaniga ahayd, isla markaana dad aad u badan oo xaq u lahaa inay qaataan kaadhkaas Diiwaangelinta in aanay qaadan, waxaanu yidhi isaga oo arimahaas ka hadlaya “Wasaaradda Arrimaha Gudduhu aad bay uga gaabisay Diiwaangelintii Madaniga ahayd, oo waxa jira Gobolo badan oo aanay si wanaagsan ugu qaban, oo dadka u dhashay Gobolada aan ka soo jeedo marka ay yimadaan, aniga ayaa damiinta, maxa yeelay Kaadhka Dhalashada haddii ay haysan lahaayeen maan damiinteen, Gobolada aan ka soo jeedo oo qudha maaha ee waxa jira Gobolo badan oo laga gaabiyey in si fiican looga fuliyo Kaadhka Diiwaangelinta Madaniga, Diiwaangelinta lagu galayo Doorashadana, waxa aan leeyahay aad ha looga taxadiro, oo yaanay inaga noqon sidii Diiwaangelintii Madaniga ahayd, dadkuna si fiican kaadhka ha u qaateen”.

Xildhibaan Jirde Siciid Maxamuud ayaa isna dhankiisa waxa uu Bulshada Somaliland ugu baaqay in Kaadhka Diiwaangelinta codbixiyaha wada qaadato, waxaanu yidhi “Bulshada Somaliland waa inay muujiyaan muwaadinimadooda, waa inay si fiican u qaatan kaadhka Diiwaangelinta, waa inay si nadiif ah u qaataan kaadhka, oo aanay isku dayin inay ku cel celiyaan, waxaana waliba si gaar ah ugu baaqay Dadka laga tirada badan yahay inay muujiyaan xaq ay leeyihiin oo ay qaataan kaadhka Diiwaangelinta, si ay isku soo sharaxaan, waxaana dhammaan Shacabka Somaliland leeyahay si wada jir ah ha looga wada shaqaayo Diiwaangelinta, oo ha la ilaaliyo, Komishanka waxaana leeyahay waa inaad muujisaan cadaalada oo aad ilaalisaan Dastuurka sida ugu nadiifsana waa inaad dadka u diiwaangelisaan”.