Muxuu Wasiir Sacad Ka Yidhi Safarkiisii Ingiriiska?

0
526

Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Somaliland Sacad Cali Shire oo shalay dib ugu soo laabtay dalka kadib safar shaqo qaatay laba todobaad uu ku maqnaa dalka Ingiriiska, ayaa ka xog waramay ujeedada safarkiisa iyo kulan uu la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dalka  Ingiriiska u qaabilsan Afrika iyo waxyaabihii ay ka wada hadleen, waxaanu isaga oo warbaahinta ugu waramaya qolka nasashada ee Madaarka Hargeysa uu hadalkiisi ku bilaabay sidan  “Intii aan joogay wadanka ingiriiska waxannu la kulannay Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Ingiriiska u qaabilsan Afrika Mudane James ,  waxa kaloon la kulannay  jaalliyadda oo aan xubno badan kala kulannay wadatashina yeelanay, waxa kaloon la kulannay  dad danaynaaa inay wadanka maalgashadaan, waxa kaloon la kulannay dad kaloo hawlo badan oo shaqo innaga dhexeeyaan, waxan la kulannay maalintii ugu dambaysay ee shalay golaha deegaanka xaafadda  Tower Hamlets oo aan uga mahadcelinay mooshinkii ay ku ansixiyeen aqoonsiga Somaliland.  Markaa safarkaasi wuxu ahaa safar si wanaagsan noogu soo dhammaaday Alxamdulilaahi”

1

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha DIbadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Somaliland. Sacad Cali Shire oo wax laga waydiiyay arrinta fiisaha Itoobiya ayaa sheegay inuu ka xunyahay in bulshada Somaliland kala kulanto dhibaato helitaanka fiisaha ay ku galayaan dawladda  Itoobiya, waxanu tilmaamay inay tahay arrin farsamo oo uu rajaynayo in si dhakhso ah wax looga qaban doono, waxaanu yidhi “Aad iyo aad baan runtii uga xumahay waana nasiib darro in shicibkeennu ay dhibaato badan  kala kulmaan arrinkaa fiisaha.  Waa mushkalad farsamo, Insha Allah waxan rajaynaynaa in arrinkaa farsamo ee dhibaatada keenay la xalliyo sida ugu dhakhsaha badan, waanan ka hawlgalayaa,”

 Geesta kale, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay wasaaradda khaarajiga Somaliland ayaa lagu sheegay in wasiir Sacad ay dhiggiisa Ingiriiska ka wada hadleen arrimo doora oo khuseeya xidhiidhka labada dal iyo danaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Sida wasaaradu sheegtay,  Wasiirka oo ka jawaabaya su’aal warbaahintu waydiisay markii uu ka soo baxay kulankaas wuxu yidhi. “Waxannu ugu tagnay siyaaro is barasho iyo is xog  waraysi  ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Afrika qaabilsan Mudane James Duddridge. Waxannu kala hadallay arrimo badan oo la xidhiidha xagga dhaqaalaha iyo xagga nabadgelyada iyo xagga geedi socodka dimuqraadiyadda, waxannu ka wada hadallay sidii laba wadan ay iska kaashan lahaayeen ee ay isaga caawin lahaayeen amuuraha noocaas oo kale ah, si fiican buu wada hadalkaasi noogu dhacay, Alxamdulilaah.”

Danjire Cali Aaden Cawaale oo ku weheliyay Wasiirka kulankaas ayaa isaguna tilmaamay inuu ahaa shir ahmiyad weyn leh oo sii qorshaysna oo Wasiirku ku soo talo galay safarkiisa UK.