Wasiirka Waxbarashada Oo Dhagax Dhigay Dugsi Sare Oo Laga Hirgeliyey Deegaanka Lafta-Wayne

0
586

Hargeysa – (Geeska) Wasiirka Wasaaradda waxbarashada Somaliland ayaa dhagax dhigay dugsi sare oo laga hirgelinayo deegaanka Lafta-Faraweyne oo ka tirsan degmada Faro-wayne ee gobolka Maroodi Jeex.

1

Xaflad ballaadhan oo loo sameeyey dhagax dhigga dugsigan sare oo Jimcihii lagu qabtay deegaanka Lafta-Faro weyne ayaa waxa ka qayb galay Wasiirka Waxbarashada, ku-xigeenka badhasaabka Gobolka Maroodi Jeex, Maamulka degmada, salaadiin iyo wax-garadka deegaankaas.

Ugu horreyn, Caaqil Axmed Aw Nuux oo madashaas ka hadlay ayaa sheegay in deegaanka Lafta Faroweyne uu taariikh weyn ku lahaa halgankii dalka lagu xorreeyey ee SNM, laakiin ay intii ka horreysay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ka arradnayd adeegyada aasaasiga ah, waxaanu u mahadceliyey wasiirka iyo dhamaan dadkii ka shaqeeyey hirgelinta dugsiga sare ee laga dhigayo deegaankaas.

Faadumo Yuusuf oo khudbad dadku aad ugu sacabo tumeen ka jeedisay madasha ayaa sheegtay in shacabka looga baahan yahay in ay u istaagaan in ay wax wada qabsadaan, qof kastaana kaalintiisa qaato, waxaanay ballan qaaday in aanay waxba kala hadhi doonin sidii ay wax ugu qaban lahaayeen deegaanka Faro-weyne.

Guddoomiyaha Guddiga Horumarinta Deegaanka Lafta-Faroweyne, Ismaaciil Aadan Habane ayaa caddeeyey in degmadaasi ka arradan tahay dhamaan adeegyada aasaasiga ah, duruufaha ugu waaweyn ee haystana ay ka mid tahay waxbarashada, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa: “Deegaanka Lafta-Faroweyne oo ka tirsan degmada Faroweyne, waxay dhamaan ka arradan tahay baahiyaha aasaasiga ah oo ay ugu horreyso waxbarashada. Waxa aanu guddi ahaan ballan-qaadaynaa in aanu ka shaqayno sidii uu Iskuulkani u hirgeli lahaa ee macallimiin wanaagsanna loogu heli lahaa.”

Guddoomiyaha degmada Faro-wayne Cabdi Ismaaciil ayaa hadal uu isaguna ka jeediyey munaasibadda dhagax dhigga waxa uu ka sheekeeyey sida ay degmadaasi ugu baahnayd dugsi sare, kaas oo uu tilmaamay in uu kor u qaadi doono fursadaha waxbarashada ee da’yarta deegaanka.

Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan ayaa xafladdaas ka sheegay in ragga ka shaqeeya horumarinta deegaanka ee uu hormoodka ka yahay Ismaaciil Aadan Habane ay mudan yihiin in loo duceeyo, waxaana uu xusay in Golaha Deegaanka Hargeysa ay ka shaqeeyaan horumarinta caasimadda oo ay qalabyo casri ah u keeneen, balse ay deegaamada kale ee gobolku u baahan yihiin waxqabad kaas la mid ah.

Wasiirka Waxbarashada Somaliland, Cabdilaahi Ibraahim Habane oo khudbaddii gunaanadka xafladda ayaa sheegay in deegaanka Lafta-Faro weyne uu ku habboon yahay  in laga hirgeliyo dugsi sare, waxaanu amaanay dadkii ka hawlgalay hirgelintiisa, waxaana hadalkiisa ka mid ahaa: “Ismaaciil Aadan Habane abaabul culus oo uu ku doonayo in uu degmada wax ugu qabto ayuu galay, anaguna waxaanu ballan qaadaynaa in aanu wax walba la qabanno.” Ayuu yidhi.

Waxa kale oo madasha hadallo ka jeediyey Ku-xigeenka Badhasaabka Gobolka Maroodi Jeex, Suldaan Mowliid Sabbayse, Suldaan Ibraahim Suldaan Sulub iyo Suldaan Shariif Batuun.

Ugu dambayn, waxa uu wasiirku dhagax dhigay dugsiga Sare ee Deegaanka Lafta-Faroweyne oo Midowga Yurub maalgeliyey.