Xildhibaanno Waqtigooda Firaaqada Dugsiyada Deegaankooda Macallimiin Tabaruc Ah Ka Noqda

0
766

Picture2Nairobi (Geeska)-Rooboow Maxamed Xasan oo hoggaamiyaha garabka aqlabiyadda ee golaha shacabka dowlad deegaanka Mandheera Kenya ayaa bilaabay in uu macallin aan lacag qaadan ka noqdo mid ka mid ah dugsiyada sare ee hablaha. Waa tallaabo aan caadi ahayn oo timid xilli aan caadi ahayn, waayo hore taariikhda dalka Kenya ugama ay dhicin in deegaan dhan ay macallimiintiisu mar keliya shaqada ka yaacdo sababo ammaanka la xidhiidha dartood, sidoo kale abid hore uma ay dhicin in la arko siyaasiyiin fasallada dugsiyada ugu jira in ay ardayda u noqdaan macallimiin bilaa lacag ah, laakiin labadan xaaladoodba waxa ay ka dhaceen gobolka Mandheera ee dalka Kenya. Qaar ka mid ah xildhibaannada golaha shacabka ee dowlad goboleedka Mandheera, gaar ahaan kuwooda hore u soo maray macallinnimada, ayaa bilaabay in ay hawlmaalmeedkooda ku darsadaan waqti ay u gooyeen in dugsiyada gobolka ay ka noqdaan macallimiin tabaruc ardayda ugu dhiga, si ay u buuxiyaan kaalinta ay banneeyeen macallimiintii gobolkaas ee asal ahaan u badnaa kuwo ka yimi deegaannada kale ee Kenya, kuwaas oo sababo ammaan uga tegey deegaankan Soomaalida oo marar door ah ay ka dhaceen falal lagu laayey macallimiin iyo shaqaale kale.

Xildhibaannadan waxaa ka mid ah Rooboow oo uu saxafiga qoray warkani ku booqday dugsiga sare ee Moi oo ah dugsi loo hoydo oo hablaha u gaar ah, tirada ardayda dhigataana ay yihiin 714. Inkasta oo dugsigan macallimiinta dowladdu u qortay ay ahaayeen 25 haddana hadda waxaa ka hadhay Shan keliya. Rooboow Maxamed Xasan, oo markii uu saxafigani booqday ku jiray xiisad taariikh ah oo uu siinayey fasalka afaraad ee dugsiga sare, si gaar ahna uga hadlayey, ‘Sababihii keenay in gumaystuhu uu qabsado Afrika’ ayaa markii uu xiisadda ka soo baxay yidhi, “Dhibaatada ardaydan soo waajahday ayaa i soo kicisay. Waxa aanan ku deeqay in aan macallinnimo ugu imaaddo markasta oo aan firaaqo ka soo helo waajibaadkayga shaqo ee golaha. Waxa aan ballan qaadayaa in aan hawshan u sii wado illaa ay xaaladdu sidii caadiga ahayd ku soo noqonayso, siyaasiyiinta kalana waxa aan kula talinayaa in ay tubtaas maraan”  Maamule ku xigeenka dugsiga sare ee Mio Maxamed Ibraahiim Hillow, oo la hadlayey shabakadda Standard Media ee Geeska Afrika warkan uu ka soo xigtay ayaa sheegay in hadda uu iskuulkiisu ku tiirsan yahay muwaadiniin tabaruc ah oo isugu jira arday hore uga baxday dugsiga sare oo weli aan imtixaankii gelin iyo siyaasiyiin ay ka mid yihiin xildhibaannada baarlamaan goboleedku.

Xildhibaannada uu Hillow sheegayo waxa kale oo ka mid ah, Barre Maxamed Shabure oo mar uu saxafiga warbixinta diyaariyey u waramayey yidhi “Waxa aan haysataa shahaadada heerka koowaad oo aan ka qaatay jaamacadda Nairobi. 16 sano oo ka horreeyey siyaasaddana waxa aan ahaa macallin. Suurtogal ma’aha in aan murashaxnimada ku ekaada oo aan daawado waxa dhacaya aniga oo aanan cashar ka baran”

Labadan siyaasi oo keliya ma’aa macallimiinta go’aansaday in ay carruurtooda deegaankooda u huraan waqti ay macallimiin u noqdaan, waxaa kale oo ka mid ah xildhibaan, Isaaq Daahir Cabdi oo markii uu saxafigu u tegey isagu ku gudo jiray xiisad cilmiga noolaha ah (Bayooloji) oo uu siinayey fasal ka mid ah ardayda dugsiga sare. Isaaq Daahir waa ninka ugu da’da yar siyaasiyiinta macallinnimada ku tabarucay, waa 26 jir, laba sano ka hor ka soo qalin jabiyey jaamacadda Kenyatta oo uu ka qaatay shahaadada koowaad oo ah cilmiga bayoolojiga iyo Kimisteriga.