Cabdiraxmaan-Xoog Iyo Falanqaynta Xeerka Waddooyinka Ee Madaxtooyada La Hoos Geeyay

0
587

Hargeysa(Geeska):-Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac(Aw-xoog), oo ka mid ah mudanayaasha aqaalka golaha wakiilada Somaliland, ayaa si adag uga hadlay xeerka dhismaha waddooyinka ee lagu hoos geeyey aqalka madaxtooyada, waxaana uu sheegay in xeerkaasi yahay mid muddo dhaafay, isaga oo sida oo kalena iftiimiyey in beesha caalamku ay ka gows adayg tay maal galinta dhismaha waddooyinka Somaliland.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Aw-xoog ayaa hadalkan ku sheegay qoraal kooban oo uu soo saaray, waxaana uu dhignaa sida tan:

“Xeerkii Tijaabada Ahaa Ee Madaxtooyada Lagu Hoos Geeyay Dhismaha Waddooyinku Waa Uu  Muddo Dhaafay, Qaadhaan Bixiyeyaashuna Hadda Waa Ay  ka gows-adaygeen Maalgalintiisa.”.

Akhriste , dib u milicso doodaydii Golaha Wakiilada ee sannadkii 2013 oo goluhu kaga doodayay Xeerka Takaaliifta Horumarinta Waddooyinka oo aan anigu u bixiyay Xeerka Miskiin baa Misko la Fuulo leh oo Golaha ay u soo gudbisay Wasaaradda Madaxtooyadu. Waxaan ku dooday hadalkan hoos ku qoran :-

Shaki kuma jiro in dalku u baahanyahay in loo sameeyo waddooyin , lacag lagu sameeyana loo baahanyahay, hase yeeshee waxa ka horeeya weelka lagu ridayaa ama lagu ururinyaaa lacagtaa ma xalaal baa mise waa xaaraan ( Hal xaaraan ahi nirig xalaal ah ma dhasho ), weelkaas oo ah Hay’adda Horumarinta Waddooyinka Somaliland. Hay’adda sharcigeedii xalaalaynay lama samayn oo xukuumaddu may hor keenin Golaha wakiilada. Doodaydaa ka dib waxay xukuumaddu Xeerka Takaaliifta Horumarinta Waddooyinka ku soo dartay qodobka 10aad oo odhanaya  ”MASHRUUC SHARCI EE LAGU ASSASAYO HAY’ADDA MADAXA BANNAAN EE WADDOOYINKA SOMALILAND (SOMALILAND ROAD AUTHORITY ), XUKUUMADDA WAA IN AY KU KEENTO GOLAHA WAKIILADA LIX BILOOD GUDAHOOD”.

Waxa halkaa idiinka cad inay weli xukuumaddu xaaaraan ugu dhex haysato Madaxtooyada Hay’addii Horumarinta waddooyinka oo sida xeerku dhigayo xalaalaynteedii muddo ka badan laba sannadood muddo dhaaftay iyada oo Xeerka Takaaliifta Waddooyinka la ansixiyay sannadkii 2013.

Waxa kale oo doodayda ku jirtay in si dhab ah loo madax banaaneeyo Hay’adda Horumainta Waddooyinka si Somaliland u hesho lacagta Malaayinka dollar ah ee lagu taakulayn jirey Hay’adda intii aanay cunaha isaga duubin oo aanay is hoos keenin Waasaaradda Madaxtooyadu , lacagtaa oo laga heli jiray Qaadhaan-bixiyeyaasha oo ay ugu horayso Midowga reer Yurub. Waxa marag maddoon ah in Midowga Yurub ka gows adaygay maal gelinta mashruuca lacag urursiga madaxtooyada iyo hay’adda waddooyinka ee aan madaxa banaaneyn oo xeerkii lagu xalaalayn lahaa xukuumaddu ka warwareegayso inay hor keento Golaha Wakiilada..

Waxa kale oo doodyda ku jirtay Golaha Wakiiladuna igu raaceen in Xeerka Takaaliifta Horumarinta Waddooyinku ku keenayo culays dhaqaale dadweynaha Somaliland ee la tacaalaya shaqo la’aanta baahsan, sicir barar xadhkaha goostay iyo cashuuro iyo takaaliif hore loo saaray dadweynaha oo xad dhaaf ah. Sidaa darteed waxa xeerka lagu daray qodobka 11aad oo odhanaya:-  ”SANNAD KA DIB  AYAA GOLAHA WAKIILADU  DIB U EEGIS KU SAMEYN DOONAAN TAKAALIIFTA UU JIDEEYEY XEERKANI. Waxa iyana aad arkaysaan in aanay xukuumaddu dan iyo muraad toona ka lahayn culeyska dhaqaale ee uu keenay xeerka kalifaadda dadweynaha ee aan u bixiyay Miskiin baa misko la fuulo leh oo dib u eegistii xeerku jideeyay ay xukuumaddu ka caga- jiidayso muddo dhaafna dib u eegistii tahay muddo sannad iyo badh ah. Xukuumada Axmed Siilaanyo waxay ku faantaa waddooyinka xaafadaha ee dadweynuhu dhisteen iyaga oo kaashanaya dawladaha hoose ee ay waajibka ku ahayd in ay fuliyaan adeegyada noocaas ah. Waxay Madaxtooyadu kala wareegtay hawshii dhisidda iyo dayactirka waddooyinka ee ay u xilsaarayd Wasaaradda Hawlaha Guud, guryaynta iyo Gaadiidka ( Public Works Department) oo ilaa dawladdii Ingiriiska iyo dawladihii ka dambeeyay xilligii aynu xorriyadda ka qaadanayBritian ee 26kii June 1960kii  dawlad kasta oo soo martay dalkan Somaliland u igman jirtay hawshaa. La Soco

 

 loo arag oo ah in Madaxtooyo ka shaqeyso waddooyin wasaaaraddii shaqadaa ka dhigto midfadhiid La Soco

 

 

 

 

 

 qaban.Waxa jiray hay’ad

madax bannaan oo aan xeerkeedii la keenin Golaha Wakiilada oo ay kormeerto Wasaaradda Hawlaha Guud  oo lagu magacaabo Hay’adda Waddooyinka Somaliland ( Somaliland Road Authority) kana shaqeysa dhisidda iyo dayactirka waddooyinka ka baxsan magaalooyinka waaaweyn, waxa hawshoodii la wareegtay Wasaaradda Madaxtooyada..

Toddobaadkan waxaan soo maray waddada u dhaxaysa Berbera- Sheikh- Burco oo gebi ahaanba burbursan, meeday Wasaaradddii Mdaxtooyada ee tunka u ridatay hawshan ay u gashay hunguriga, leefleefka iyo luflufka lacagta laga soo ururiyo nusasaaca caruurta dhigata dugsiyada.

Waxa igu maqaale ah in cashuurta horumarinta waddooyinka laga qaado shay kasta oo dadweynuhu debedda kala soo degaan, haddii ay sidaasi jirto oo dhab tahay oo xeer jebin iyo sharci darro waayo waxaa si cad u qeexaya XADKA DABAQAADDA  cashuurta xeerkani waajibiyay QODOBKA 4aad ee Xeerka Takaaliifta Horumarinta Waddooyinka oo odhanaya:-” XEERKAN WAXAA LAGU DABAQAYAA XOOLAHA DAMAANKA IYO GAADIIDKA KU XUSAN QODOBKA 1aad” .

Dib waa muddo dhaaf, xeerkii xalaaleynta Hay’adda Horumarinta waddooyinku waa muddo dhaaf, Culeys dhaqaale ma keenay xeerka ay madaxtooyadu jiidhsiisay Golaha Wakiilada ee ay diideen siddeeda xildhibaan ee loo bixiyay Xildhibaanada XALAASHA AH?. Jawaabtu waa HAA. Waddooyin ma dhistay Wasaaradda Madaxtooyada ee la wareegtay hawshii loo igmaday Wasaaradda Hawlaha Guud, mise lacag ayuun bay urursatay?. Jawaabtu waa MAYA oo waxba sooma ay kordhin W. Madaxtooyadu.

Wasaaradda Madaxtooyadu waxay isu rogtay wasaaradda hantii u ururinta qoyska madaxtootda oo waxa la hoos keenay dhammaan haya’adihii dhakhli ururinta sida:-

    Wakaaladda Biyaha Hargeysa

    Haamaha Shidaala Berbera

    Maamulka iyo Maareynta Berbera

 Hayadda Waddooyinka oo isu bedeshay hay’adda cashuur kordhinta iyo qaadhaan uruinta Gudaha iyo debedda dalka.

Wasaaradda Madaxtooyadu waxay inoo sheegtay in ay dhisayso waddooyin.. Waddada Ceergaabo waxay ku qaadan lahayd 38 sanaddood inay ku dhameyso waayo waa masaafo ku dhow 400km, waxay wasaaraddu inoo sheegtay in muddo ku dhow saddex sannadood aanay weli dhameyn 10kii Km ee u horeeyay.Wasaaraddu waxay cashuurta horumarinta waddooyinka saatay gawaadhida xamuulka, booyadaha, iska rogooyinka iyo gawaadhida yaryar ee raaxada iyadoo hore looga qaadi jiray cashuuro kala duwan oo ay ka mid yihiin 1) cashuurta Waddo marista 2) cashuurta shidaalka oo saaran litir kasta oo shidaal ah oo ay iibsadaan 3)cashuurta liisanka ama ruqsadda wadista gaadiidka.

.Waxa kale oo Wasaaradda Madaxtooyadu qaadhaan ka urursataa:-

    Ganacsatada Dalka

    Carruurta yaryar ee dugsiyada dhigata nusasaacahooda

 Waxay Furatay Xisaab ZAAD qaadhaan lagu urursado oo ku qoran magac qof ama shakhsi oo ah Masuulka ugu sareeya Wasaaradda.

Waxay qurbejoogta Somaliland ka soo urursatay qaadhaan in kasta oo uu masuulka wasaaradda ugu sareeyaa ku sheegay in qaadhaanka qurbe joogga uu ka badanyahay qaadhaanka nusasaacaha caruurta dugsiyadu

Ma jiro Hanti-dhawre madax bannaan oo la xisaabtama Wasaaradda Madaxtooyada oo qaadatay hawshii ay u xilsaarayd Wasaaradda Hawlaha Guud oo iyada loo reebay xaraashka aan caddeyn ama aan daahfurayn ee Hantida ma guurtada ah ee dalka JSL. Xaraashkaa oo aan lagu bixin qandaraas hareeraha laga fadhiyo oo daahfuran balse lagu bixiyo suuq madow, dad gaar ahna laga iibiyo.

WAXA LA GAADHAY XILIGII  LALA XISAABTAMI LAHAA XUKUUMADDA AXMED SIILAANYO OO DOONAYSA MUDDO KORDHIN AAN DASTUURI AHAYN.

HARGEYSA, SOMALILAND

XIldhibaan C/raxmaan Maxamed Jaamac ( AWXOOG )..