Xildhibaannada Golaha Wakiillada Oo Sheegay In Habka Dawladda Dhexe U Qorshaysay Kabka Dawladaha Hoose Sharci-darro Tahay

0
688

Hargeysa (Geeska) – Doodda Miisaaniyad-sanadeedka 2021-ka oo weli ka socota Golaha Wakiillada Somaliland ayaa Shalay diiradda lagu saaray Habka Wasaaradda Maaliyaddu u qaabaysay Miisaaniyadda Dawladaha Hoose ama habka Dawladda dhexe ay lacagaha ay ku kabto ugu qaybiso Dawladaha Hoose ee Magaalooyinka dalka.

Xildhibaannada Doodda ka qayb-qaatay oo soo xiganaya Buugga Miisaaniyadda ee Wasaaradda Maaliyaddu u qaybisay Xildhibaannada Golahaasi, ayaa sheegay in habka loo qaabiyey Kabka Dawladda dhexe siiso Dawladaha Hoose uu baal-marsan yahay Xeerka Maamulka Gobollada iyo degmooyinka dalka.

Xildhibaan Cabdillaahi Xuseen Cige (Balaaki) oo ka mid ah Mudaneyaasha doodda ka qayb-qaatay ayaa yidhi  “Buugga la inoo keenay wuu baal-marsan yahay sharciyaddii aynu u samaynay Miisaaniyadda Dawladaha Hoose, Xeerka Maamulka Gobollada iyo degmooyinka Xeer Lr 23/2019 Qodobka 89-aad farqaddiisa 2-aad wuxuu qorayaa ‘Miisaaniyadda Dawladaha Hoose waxay ku muujisnaanaysaa ku talo-galka Dakhliga Sannadka soo socda iyo ku talo-galka Kharashka sannadka soo socda, miisaaniyaddu waa inay ku muujisnaataa Madax iyo Madax-xigeeno tilmaamaya dakhliga iyo kharashka, waxa la inoo keenay waa Liis, markaa Anigu waxaan soo jeedinayaa in Miisaaniyaddaa la soo waafajiyo xeerka.”

Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan ayaa isaguna yidhi  “Golahani waa Golihii sharci-dejinta, haddii aan la tixgelinayn Xeerarkii uu dejiyey oo inta la iska baal-maro Golaha la keenayo (Miisaaniyadda), markaa Macno ma leh, waayo? innagaa ayaa la rabaa in la innagu socodsiiyo (Miisaaniyadda Dawladaha Hoose oo aan Sharciga loo raacin)….”

 

Geeska.net/Hargeisa Office