Jabuuti Oo Sheegtay Inay Somaliland Ka Caawinayso Biyo-gelinta Hargeysa, Ka Dib Kulan Dhex Maray Labada Madaxweyne

0
938

Hargeysa (Geueska) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Wefti uu hoggaaminayo ayaa Shalay gaadhay Caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti ee Jabuuti, ka dib Marti-qaad ay ka heleen Madaxweynaha dalkaasi.

Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigiisa ayaa lagu soo dhaweeyay Garoonka diyaaraha ee Jabuuti, waxayna markaa ka dib kulan Qasriga Madaxtooyada kula yeesheen Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Sidaana waxa lagu sheegay War qoraal ah oo Madaxtooyada Somaliland ka soo saartay Safarka Madaxweyne Muuse Biixi ee Jabuuti, kaasi oo isagoo dhamaystiran u qornaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland markii uu ka degay Madaarka Caasimada Jamhuuriyadda Jabuuti, waxa halkaa si ballaadhan ugu soo dhaweeyey wasiirka Wasaaradda Biyaha, Beeraha, Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga ee Jabuuti Mudane Maxamed Axmed Cawaale (Maxamed Soomaali) oo ay wehelinayaan masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan dalka Jabuuti iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Jabuuti.

Waxaana madaxweynuhu qadar nasosho ah uu ku qaatay qolka gaarka ah ee nasashada, iyadoo looga sii gelbiyey weftiga madaxweynaha dhinaca qasriga madaxtooyada Jabuuti oo ay kula kulmeen madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Iyadoo ay labada madaxweyne yeesheen kulan muhiima oo ay kaga wada hadleen danaha labada dal, adkaynta xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dhinac iyo isu-socodka arrimaha bulshada. Waxa kale oo kulankaasi lagu soo qaatay sidii horeba ay labada dhinac isaga kaashan jireen ka war haynta iyo la socodka arrimaha nabadgelyada mandaqada.

Waxaana kulankaa labada madaxweyne ku wehelinaayey wasiirrada Arrimaha dibeda Somaliland iyo Jabuuti, mudane Yaasiim Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), Mudane Maxamuud Cali Yuusuf iyo Mudane Maxamed Axmed Cawaale (Maxamed Soomaali) wasiirka Biyaha, Beeraha, Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga ee Jabuuti oo ay wehelinayeen labada safiir ee Somaliland iyo Jabuuti u kala fadhiya labada dal, Mudane Cabdifataax Siciid Axmed iyo mudane Xuseen Cumar Kawaaliye.

Ugu danbayn Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigiisu ay ku joogaan Dalka Jabuuti ayaa ah safar shaqo oo qaadan doona maalmo.”

Dhinaca kale, Dawladda Jabuuti ayaa ka hadashay waxyaabaha ay ka wada-hadleen Madaxweynaha Somaliland iyo Madaxweynaha Jabuuti.

Wasiirka Arrimaha dibedda ee Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf oo kulanka labada Madaxweyne ka dib, la hadlay Saxaafadda ayaa yidhi  “Madaxweynaha Jabuuti iyo Madaxweynaha Somaliland waxay ka wada-hadleen dhinaca caawinta oo Somaliland u baahan tahay Caawinta Jabuuti dhinacyada qaar, waxyaabaha aanu gacanta ka siin doono waxa ka mid ah dhinaca biyo-gelinta Caasimadda Hargeysa oo loo diri doono khuburo ku takhasusay arrimahaasi, dhinaca Xadka Lawyacaddo iyo Saylac ayay isla soo qaadeen labada Madaxweyne, waxyaabaha Ganacsiga ah ee iskaga gudba Xuduudda, Baabuurta Xamuulka qaada ee labada dhinac iyo sidii labada Bulsho ee xuduudka ku nooli u heli lahaayeen waxyaabaha aasaasiga ah.”

 

Geeska.net/Hargeisa Office