Madaxweyne Siilaanyo oo laga sugayo khudbad sannadeedkii distooriga ahayd iyo dareenada ku xeeran

0
580

 

434343434Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa si weyn loogu dheg taagayaa khudbad sannadeedkiisa distooriga ah ee uu u jeedin doono labada gole [Guurtida iyo wakiilada], taas oo uu sannad kasta horaantiisa jeediyo.

 

Madaxweyne Siilaanyo oo khudbadiisii distooriga ahayd ee kal hore jeediyay 15-kii bishii January, weli muu jeedin khudbadiisii sannadkan, waxaana si weyn loo sugayaa khudbadda Madaxweynaha ee sannadkan oo ku soo beegantay wakhti ay siyaasadihii gudaha iyo dibadda ee Somaliland ku jiraan marxalad xaasaasi ah. Tusaale ahaan khudbadiisa sannadkan waxa laga sugayaa inuu si mug leh uga hadlo aqoonsiga ay dawladda Maraykanku u fidisay dawladda Somaliya oo la aaminsanyahay inay saamayn ku yeelanayso Somaliland, wada hadalada sannadkii hore u bilaabmay Somaliland iyo Somaliya oo sannadkana galaya wejigiisii labaad. Waxyaabaha Madaxweynaha laga sugayo inuu bulshadiisa u iftiimiyo waxa kale oo ka mid ah mawqifkiisa shirka bisha May uu Ingiriisku qabanayo oo uu Madaxweynaha Somaliya sheegay inuu isagu shirgudoomin doono.

Marka loo soo noqdo siyaasadda arrimaha gudaha, waxa madaxweynaha laga sugayaa inuu si mug leh uga hadlo xanafta ay doorashadii deegaanku bulshada kaga tagtay, iyadoo la ogyahay  xiisada aan weli lagu guulsaysan in la xaliyo ee ka taagan magaalada  Saylac ee gobalka Selel, waxaana la filayaa in Madaxweynuhu shacabkiisa ugu baaqo isku duubni iyo wada jir.

Dhinaca dhaqaalaha, waxyaabaha sida weyn loo dhawrayo inuu Madaxweynuhu ka hadlo waxa ka mid ah wada hadalada ay dalka Imaaraadka Carabta ku yeesheen wefti ka socda Somaliland iyo shirkad laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta oo ku saabsan dekedda Berbera.

Si kastaba ha ahaate, khudbadda sannakan ee Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa ah mid ay shacabku ka sugayaan jawaabaha su’aalo ay maskaxdoodu iska weydiiso siyaasadihiisa kala duwan oo ay dhaliilo badani ka muuqdaan.