Xildhibaanka Ka Dhex Aloosan Maayarka Iyo Xildhibaannada Mucaaradka Ah Ee Golaha Deegaanka Gabiley Oo Ka Sii Daraya

0
434

Hargeysa (Geeska) – Khilaafkii ka dhex taagnaa Golaha Deegaanka Magaalada Gabiley, ayaa sii cuslaanaya maalinba maalinta ka dambaysa, xilli qaar ka mid ah Xildhibaanada Golahani ay doonayaan inay xilka ka qaadan Maayarkooda  Maxamed-aamiin Cumar Cabdi.

Munaasibad shalay ka dhacday xarunta Dawladda hoose Gabiley oo xilka kula kala wareegayeen Xoghayihii hore iyo Xoghayaha cusub ee Golaha Deegaanka ee Gabiley, ayaa Xildhibaan ka tirsan Golaha Deegaanka Gabiley oo dhaliilo culus u soo jeediyey Maayirka, halka uu Maayarkuna dhaliilahaas iska difaacay, waxba kama jiraana ku tilmaamay. 

Xildhibaan Cali oo Maayarka Gabiley dhaliilo u soo jeediyey wuxuu yidhi “Madax fara badan oo naloo soo diray Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Xidhibaanadii markaas Gobolka u soo baxay, Golaha Wakiilada, gar bay noo qaadeen, anagoo ah aqlabiyaddii Golaha iyo Maayirka, sida runta ah waxay yidhaahdeen garta idinka ayaa helay, haddana may midho dhalin, haddana waxaa noo gar qaaday Madaxweyne ku-xigeenka, Madaxweyne ku xigeenkuna wuxuu na yidhi gartii waad hesheen, waxaanu soo dhignay waxay ahayd wax xaqiiqda ku saabsan hasa yeeshe may midho dhalin,waxaanu se rajaynaynaa insha allaahu talaaca inay midho dhali doonto”.

Laakiin, Maayarka Magaalada Gabiley oo waxba kama jiraan ku tilmaamay hadalka ka soo yeedhay Xidhibaanka wuxuu yidhi “Saaxiibaday Cabdi Cali waxay is lahaayeen muu Maayarku Novembertaas raaco, maalin ayuun baan sidan xilka u wareejinayaa oo lamaan dhalan meesha, wuxuu sheegay in golaha deegaanka loo garnaqay, oo laba jeerba laba Masuul ay yidhaahdeen gartii waad hesheen, arinta waxaan u arkayaa runtii indho adayg aan caadi ahayn, masuuliyiinta qaranka in laga sheego waxaan sax ahayn ma wanaagsana, shaqo ayaanu isku haynaa asaxaabtayada, gar kale oo la qaadaya runtii ma jirto, gar baa laga helay Maayarkoow haddii la igu yidhaahdo haddii aniga iyo fulintayada iyo Xildhibaanada aanu isku aragtida nahay haddii la yidhaahdo gartaas waa la idinka helay, gari ma jirto, ee waxaanu isku haynaa waa shaqo, sidan bay sax ku tahay iyo maya ee khalad kale ayaa jira, haddii uu jiro khalad dhacay habeen qudha anigu halkaas ma sii joogayo habeen qudha, haddii reer Gabiley waxba u soo kordhinayn habeen kursigaas maan hayn, waxaan aamisan nahay in maalin kastoo soo baxda inaan umaddayada wax u soo kordhinayey, taas ayaanu ku shaqeeynaynaa, taas ayaanu aamisan nahay, haddii aan habeen qudha aamisan nahay in kursiga aan joogo ay dadkayga khasaare ku tahay waxaan diyaar u ahaa inaan iskaga tago iyadoo ciddiba ila hadal”.

 

Geeska.net/Hargeisa Office