Madaxweynaha Somaliland Oo Sameeyay Xil Ka Qaadis Iyo Magacaabis Cusub

0
379

Hargeysa (Geeska) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa Shalay sameeyay xil ka qaadis iyo Magacaabis cusub.

Madaxweynaha ayaa Xilkii ka qaaday Guddoomiye ku-xigeenkii Gobolka Sool, waxaanu Magacaabay Guddoomiye ku-xigeen cusub, halka uu sidoo kale Madaxweynuhu Magacaabay Wakiilka Somaliland ee dalka Kenya.

Madaxweynaha Somaliland, ayaa Maxamed Axmed Maxamuud Diiriye (Barawaani) u  magacaabay wakiilka cusub ee Somaliland u joogi doona dalka Kenya, xilkaasi oo uu hore uga qaaday Baashe Cawil Xaaji Cumar.

Sidoo kale, xilkii ka qaaday badhasaab ku xigeenkii hore ee gobolka Sool Saleebaan Diiriye Cabdi, waxaanu xilkaas u magacaabay Maxamed Aadan Cumar.

Wareegtada uu soo saaray Madaxweynaha Somaliland oo soo gaadhay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa u qornayd sidan:-

WAREEGTOOYIN MADAXWEYNE: 10 /11/2021

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadoodu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-781/112021 iyo JSL/XM/WM/222-782/112021 uu xil ka qaadis iyo magacaabid ku sameeyey masuuliyiin ka mida xukuumadda.

Waxaanay u dhignaayeen Wareegtooyinka Madaxweynuhu Sidan:-

Ku: Saleebaan Diiriye Cabdi;

Guddoomiye Ku-xigeenkii Gobolka Sool

UJEEDDO: XIL KA-QAADIS

Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad haysay.

Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka.

UJEEDDO: MAGACAABID

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aansaday;

In Maxamed Aadan Cumar Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sool ee Jamhuuriyadda Somaliland.

UJEEDDO: MAGACAABID WAKIIL

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aansaday;

In Maxamed Axmed Maxamuud Diiriye, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee Dalka Kiiniya.”

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland