Safiirkii Hore Ee Maraykanka U Joogay Muqdisho Oo Soo Jeediyey Talooyin Somaliland U Sahlaya In Qaramada Midoobay Ka Fadhi Ka Yeelato Qadiyaddeeda

0
568

Hargeysa (Geeska) – Safiirkii hore ee Dawladda Maraykanka u fadhiyey Dalka Soomaaliya Stephen M. Schwarts, ayaa falan-qayn ku sameeyay War-bixin dheer oo uu dhawaan soo saaray Mac-hadka The Heritage International oo fadhigiisu Magaalada Washington, war-bixintaasi oo Dawladda Maraykan?a loogu soo jeediyey inay Aqoonsato Somaliland.

Ambassador Stephen M. Schwartz oo daba socda Qodobbada ay War-bixintu u cuskatay soo jeedinta ah in la aqoonsado Somaliland, ayaa isaguna soo bandhigay Talooyin la xidhiidha jidka Dawladda Maraykanku u mari karto Aqoonsi ay hesho Somaliland.

Wuxuu sheegay in Ururka Midowga Afrika oo kiiska Somaliland loo gudbiyey sanadkii 2005-tii uu xilligaa iska indho-tiray, iyadoo xilligaa Dawladaha Afrika qaarkood ka dhex arki waayeen danahooda gaarka ah isla-markaana Somaliland qaddiyaddeedu ay dalalkooda ka abuuri karto aragtida ah in Gobollo ka mid ahi Madax-banaani dalbadaan, laakiin 16 sano ka dib loo baahan yahay in Maraykanku uu Midowga Afrika kala shaqeeyo sidii ay dhexdhexaadin uga dhex bilaabi lahayd Somaliland iyo Soomaaliya oo Wada-hadallo ay yeesheen illaa 10 jeer ay midho-dhali waayeen.

Wuxuu soo jeediyey in Midowga Afrika oo Maraykanku gacan siinayaa ay Wada-hadallo aan dib u dhac lahayn u qabtaan Hargeysa iyo Muqdisho, haddii Wada-hadalladaasi ka burburaan dhinaca Muqdisho isla-markaana wax natiijo ahi ka soo bixi waydo, uu Ururka Midowga Afrika si furan u sheego Cidda Masuulka ka ah burburka Wada-hadallada.

Markaasi ka dibna Golaha amaanka Qaramada Midoobay loo gudbiyo codsi ah in Somaliland kursi laga siiyo Qaramada Midoobay, haddii Midowga Afrika diido inay xubin ka noqoto “Haddii la ogolaado inay ka mid noqoto Midowga Afrika ama xitaa talo wanaagsan (ka hesho) Somaliland waxa loo ogolaan doonaa inay ku biirto Qaramada Midoobay, Midowga Afrika la’aantii.” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Qaramada Midoobay waa golaha ugu horreeya adduunka ee qaabilsan arrinta madax-bannaanida qaran, go’aankeeda ayay leeyihiin inay diidaan ama aqbalaan codsi waddan doonaya inuu xubin ka noqdo”

Ambassador Stephen, waxaanu intaa ku daray in Waddanka codsanaya xubinnimada Qaramada Midoobay u baahan yahay codadka saddex daloolow dalool si ay kursi uga hesho Qaramada Midoobay, laakiin waddan walb uu danahiisa ku miisaamayo kiiska la soo bandhigay, haddii taasi dhacdana uu Shiinuhu ka hor iman doono, maaddaama oo ay Somaliland xidhiidh la leedahay Taiwan “Shiinaha waxa laga filan karaa inuu Somaliland ka horyimaado u ogolanshiyaha ka mid noqoshadeeda Qaramada Midoobay, ilaa inta ay Somaliland ay xidhiidhka dhow la leeyahay Taiwan, balse arrintani waa arin u taalla Somaliland.”  Ayuu sheegay Ambasaador Stephen

 

Geeska.net/Hargeisa Office