Xildhibaanadii Awdal Ee La Xidhay Oo La Soo Daayay

0
714

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ee ka soo jeeda Gobolka Awdal, ayaa ka hadlay Xildhibaan ka tirsan Golaha Deegaanka Degmada Boorama oo dhawaan la xidhay, waxaanu sheegay inay Xildhibaanadaasi hadda yihiin xor, oo dib loogu soo celiyey xoriyadoodii.

Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn yidhi “Xildhibaanadii la xidh-xidhay, dib ayey xoriyadoodii u heleen, oo waa la soo daayey, haddana waa xor, dadaal dheerad ah oo aanu sameeynay dartood waa la soo daayey, imikana wax dhib ahi ma jirto, waxaana ku baaqayaa in laga fogaado wax kasta oo dhib, khilaaf iyo muran keenaya, waxaan ku baaqayaa in qaranimada Somaliland la ilaaliyo, oo laga dheerado wax kasta oo lid ku ah qaranimada”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here