Hargeysa; Ciidanka Qaranka Oo Rasaas Ku Dhaawacay Muwaadin Diiday In Dhulkiisa Dad La Dejiyo

0
721

Hargeysa(Geeska)-Ciidanka qaranka Somaliland ayaa shalay dhaawac culus oo rasaas ah gaadhsiiyay muwaadin magaciisu yahay Cali Aw Maxamed Xaaji Jaamac, oo ka mid ah dadka deegaanka Xabaale ee koonfurta Hargeysa oo ay ciidanka qaranka isku dhaceen.

Ciidanka qaranka ayaa doonayay inay dad ay ka rareen xerada birjeex dejiyaan dhul uu leeyahay muwaadin Cali Aw Maxamed oo deegaanka Qalax ah. Qoyska muwaadinkan ayaa sheegay in dhaawucu yimid ka dib markii ay Cali iyo qoyskiisu ka diideen ciidanka qaranka in dadkaas la dejiyo dhulkooda, waxaana Cali oo uu dhaawac culusi ka soo gaadhay rasaastaas ciidanka qaranka lagu sameeyay qaliin culus oo dhaawr saacadood qaatay.

Ma jiro wax war ah oo uu taliska ciidanka qaranku ka soo saaray dhibaatadan dhacday.

Qoyska ayaa Madaxweynaha ugu baaqay inuu ka soo gaadho ciidanka qaranka oo ay ku eedeeyeen inay rasaas nool u adeegsadeen.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here