“Madaxweyne Inaad Umadda Kasbato Oo Dhibtooda Wax Ka Qabato Ayaa Lagaa Doonayaa”

0
665

Xildhibaan Siciid Gaane

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa dhaliilo culus u soo jeediyey Xukuumadda, waxaanu tilmaamay inay gabtay waajibkii iyo xilkii saarnaa, waxaanu xusay inay ku fashilantay wax ka qabashada colaada Ceel-afweyn.

Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale Madaxweyne Muuse Biixi u diray talo ku waajahan dalka iyo dadkaba, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlay Ceel-afweyn “Colaada Ceel-afweyn iyo dagaalka soo noqnoqnaya ee labada Beelood ee Ceel-afweyn, waxaad mooda inaan daacad laga ahayn, in wax laga qabto, oo si daacadnimo leh loo kala dhex galo labada Beelood, gaar ahaan heshiiskii ugu dambeeyey Culimo, Wax-garad iyo Odayaalba wey galeen, meel wallbana waa laga duceeyey, haddii Xukuumaddu Culimada u dayn lahayd hawshaasna mar hore ayey dhammaan lahayd, laakiin Xukuumadda ayaa soo faragelisay, oo waa kii Wasiirka Arrimaha Gudduhu tagay, waa ayaan daro iyo nasiib daro in colaada labada Beelood wali taagan tahay, oo ilaa Xukuumaddii hore tagnayd, waxaana muuqata in siyaasad kale laga leeyahay, Xukuumadduna waajibkii iyo xilkii ka saarnaa wax ka qabashada colaadan Ceel-afweyn may marin, waxaanada mooda in aanay daacad ka ahayn in colaada iyo dagaalka la joojiyo, waxaana labada Beelood waxaan leeyahay kitaabka iyo dhaartu yaanay idin qaban, ee cidda fidnada hurinaysa iska qabta, dantiinu kuma jirto inaad kala aarsataane, maxaa yeelay intaas oo jeer baad Kitaabka Quraanka ah ku dheerateen, oo aad ku dhaarateen inaad nabada qaadanaysaan,  oo ALLE ka cabsada”.

Mar uu ka hadlaayey Madaxweynaha ayaa yidhi “Madaxweyne adiga ayaa lagu doortay, adiga ayaa lagu doortay Madaxweynaha dalka, adiga ayaa lagaga baahan yahay inaad dadka iyo dalkaba isku wado, laakiin maanta waxaynu arkaynaa oo muuqda in intaas oo meelood laga qaylinayo, haddii noqoto Gobolka Sanaag, Gobolka Awdal iyo Gobolka Soolba, waxaa se xusid mudan in dhawaan markii aad ka qayb gashay munaasibadii Jamaacada Burco inaad tidhi aniga iyo Maxamed Kaahin cid naga nabad jeceli ma jirto, Maxamed Kaahina waa Wasiirkaagii Arriamaha Gudaha ee aad adigu magacawday, Madaxweyne haddii uu Saaxibka yahay Maxamed Kaahin, ogow inuu yahay Wasiir aad adigu magacawday, dadkuna adiga ayey ku doorteen, markaas inaad dadka iyo dalkaba sidii loogu doortay ugu adeegto, ayaa lagaga fadhiyaa, oo laga doonaya, laakiin in jabhado dilaacan, in dadku cawdaan, oo meel walba laga cawdo lagagama fadhiyo, dalkuna inuu 1994 ku noqdo maaha, in qabiil qabiil loo kala baxo maaha, in nabadgalyo daro dadku soo food saarto, in wadnaha farta lagu hayo maaha, in Saxaafadda la cabudhiyo oo xadhig lala miciinsado maaha, in musuqa hantida umadda lagu takrifalo maaha, ee Madaxweyne inaad umadda kasbato oo dhibtooda wax ka qabato oo kalsooni gashato ayaa laga doonaya”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here