Xildhibaan Xubno Xukuumadda Ah Ku Eedeeyay Inay Dakhliga Dalka Ku Shubtaan Xisaabo Gaar Ah

0
550

Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye (Gacan) ayaa ka dayriyay xaalada nololeed ee dalka ee sii adkaanaysa iyo heerka sicirbarar ee dalku uu maraayo,waxaanu sheegay in xukuumada haatan ay hortaalo uun inay dalka doorasho ka qabtaan.

Waxa uu xildhibaanku sheegay in xukuumadu aanay wax lacag ah dhigan bangiga dalka isla maraasna ay waxii doolar ahaa ee jebin lahaa qiimaha lacagta doolarka ee sare u sii kacaysa ay xukuumadu xisaabaad gaar ah ku xidhatay.

Xildhibaan Axmed Muuse oo warbaahinta la hadlaayay waxa hadaladiisa ka mid ahaa "Dalka waxa ku habsaday abaar uu dadku maanta la liito iyo sicir-barar wax alle wax aynu maanta ku tilmaamano aynana garanayn aafo qaran mooyaane, qoys kastaaba maanta waxa uu qaataa kuma filna, waayo wax la goyn karayaa ma jiraan oo heer xun ayuu inala marayaa kaasi dadkii bakhti ayay ku jiraan, abaartii wali lagama doogin oo roobkii dadka u da'ayna dhulka badankiisa ma helin oo galbeedkaba tuskii hore mooyaane wax kale kama di'in, hadana mashaakilka sicir-bararka ayaa inoogu daran, waxaynu u aqoonsanaynaa aafo qaran, cid aynu ula cabano oo aynu nidhaahno maanta wax haka qabatona garan mayno, waxaad ka soo qaadaa baankeena hal doolar kuma dhaco taas gunteedii waynu gaadhnay oo waa mashaakilka ina haysta, waxa yar ee soo galana waxa uu leeyahay xisaabaad gaar ah oo ay kala baxaan qolada maamulku oo meelgaar ah ayay ku xidhaan sicir-bararkana lama dagaalami karaan, dekediina sadaqad ayay u bixisay, xukuumadda maanta inoo dhisan qof way korin kartaa laakiinse qaran ma korin karto, cid aynu arintan ula cabanaa ma jirtee waxaynu iswaydiinaynaa tolow doorashooyin ma dhici karaan, waayo aad ayaan uga baqo qabaa in laba milyan oo dolar oo lacagtii doorashada lagu qaban lahaa ah ay hadhay in la waayo waa suurto gal, maanta waxynu baryaynaa oo madaxweynaha iyo ku xigeenka waydiinaynaa doorasho ma dhacaysaa, wax kale oo aynu waydiinaynaa ma jirto oo sicir-barar waynu ka quusanay."