Guddiga Anshaxa Doorashada Oo Kulmiye Iyo Waddani Ku Eedeeyay Inay Ku Tunteen Xeerkii Anshaxa

0
587

Hargeysa(Geeska)-Gudida anshaxa doorashooyinka ayaa  ku dhawaaqay inay xisbiyada Kulmiye iyo Waddani anshax jabin ka sameeyeen gobalka Togdheer, iyaga oo gobalkaas ka sameeyay ollole baalmarsan anshaxii doorashooyinka ee ay saxeexeen.

Gudida anshaxa ayaa ku dhawaaqay go'aankan isla markaasna sheegay inay komishanka doorashooyinka ay warbixin iyo caydayno rasmi ah u gudbinayaan si ay go'aan uga gaadhaan anshax jabintaas ay ku kaceen Kulmiye iyo Waddani.

Guddoomiyaha gudida shanshaxa ee doorashooyinka Marwo Sucaad Ibraahim Cabdi oo ugu horayntii warbaahinta la hadlaysay waxa ay ku dhawaaqday"Gudida anshaxu waxay ay farayaan xisbiyada Kulmiye iyo Waddani inay joojiyaan ololaha sharciga baalmarsan ee ay ka wadaan gobalka Togdheer iyo deegaanadiisa, isla markaasna ku eekaadaan xayndaabka uu sharcigu u ogol yahay iyaga oo talaabo adag laga qaadi doono haddii ay u hoggaansami waayaan si waafaqsan xeerka anshaxa."

Aadan Xuseen Muxumed oo ka mid ah gudida anshaxa ee doorashooyinka oo su'aalo warbaahintu ay waydiisay ayaa isaguna dhankiisa waxa uu faahfaafiyay anshax jabinta ay ku kaceen xisbiyada Kulmiye iyo Waddani "Xisbiyada waxa ka mabnuuc ah waxii xeerka ku qornaa oo ay ka mid tahay in aanay wax ollole ah gali karin inta ay socoto kaadh qaadashadu, waxa ka mabnuuc ah waxii ollole u eeg ee xisbigu uu leeyahay sida boodhadhka,ama

abaabulka,astaamaha xisbiga marka laga reebo xafiisyada isaga u gaarka ah, waxii ollole u muuqda ee hadalku ka midka yahay goobaha fagaarayaasha ah,talaabooyinka laga qaadayaana xeerka ayay ku qoranyihiin. labadaa xisbi ayaanu la hadlaynaa waxii laga yeelayana komishanka ayaanu u gudbinaynaa oo waxii cadaymo ahna aanu u gudbinaynaa." ayuu yidhi.