“Cabdiraxmaan-Cirro Waa U Diyaar Dood Dhex Marta Murashixiinta”Kaaliyaha warbaahinta ee Murashaxa Waddani Muniir

0
568

Burco, (Geeska)- Kaaliyaha Warfaafinta ee musharaxa xisbiga Waddani, Muniir Axmed Cigaal ayaa ayaan-daro ku tilmaamay in taageerayaal iyo masuuliyiin ka tirsan xisbiga Waddani lagu xidho rabitaankooda siyaasiga ah iyo taageerada ay u muujiyeen Xisbiga Waddani.

Muniir Axmed Cigaal, Kaaliyaha Warfaafinta ee Musharaxa Madaxweyne ee xisbiga Waddani, ayaa intaa ku daray in xadhiga xubnahan oo lagu kala xidhay magaalooyinka Burco iyo Xaaji Saalax ay ka hor imanayso nidaamka dimuqraadiga ah ee asxaabta badan iyo shuruucda dalkaba, waxaanu ugu baaqay xukuumadu inay joojiso xadhiga noocaas ah, isla markaana ay sii dayso xubnaha hadda xidhan.

Kaaliyaha Warfaafinta ee Musharaxa Xisbiga Waddani, Muniir Axmed Cigaal ayaa sidaasi ku sheegay mar uu maanta warbaahinta ugu waramayey magaalada Burco, isagoo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Weftiga xisbiga Waddani ee uu hogaaminayo Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), oo uu waheliyo hogaamiyaha xisbiga Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo masuuliyiin tiro badan oo xisbiga ka tiran wali Burco ayaanu ku suganahay.

Xadhig badan oo ka dhacay magaalada Burco iyo magaalada Xaaji Saalax, xadhigaas oo dad fikradooda cabiray oo wax dhibaato ah aan samaynin oo wax rabash ah aan samaynin oo doonistooda iyo rabitaanka ay isbadalka u ooman yihiin doortay oo kaliya lagu xidhay iyadoo habka loo raacayana loo dhigay uu yahay inay ka baydheen meel la doonayo inay qabiil ugu codeeyaan, taas oo aan sax ahayn, isla markaana ka hor imanaysa nidaamka dimuqraadiyada, nidaamka asxaabta badan iyo xeerarka Jamhuuriyada Somaliland ee aynu dajisanay, waxay ka hor imanaysaa wax wada lahaanshaha, in qof lagu xidho waxaad ka baydhay meel loo calaamadiyey oo ah adiga oo halkaa ka soo jeeda in qofkaa khasab aad ku raacdo ayay ahayd.

Horaan dhawr jeer uga hadalnay xisbi ahaan oo aan anigu uga hadlay, in qof walba isagoo xor ah oo islaam ah ayuu soo dhashay, meel qofka lagu xabiso oo maskaxdiisa lagu cabudhiyo  oo lagu xabiso runtii dalka kumaanaan ogayn.

Fikrada noocaas ah ee Kulmiye uu ololihiisa ku bilaabayna waa mid dhamaan shuruucahaasi dalka u yaala ka hor imanaysa weeyaan, dad badan ayaa ku xidhxidhan magaalada Burco, dadkaas oo ah dadkii asalka ahaa ee ka soo jeeda Burco.

Waxaanay arinta xadhigani daba socotaa oo ay bilaabantay markii deegaamada Sheekh, Hudisa, Qoyta, Deel-lookor, uu weftiga gudoomiyaha Kulmiye uu soo marayey ayaydaan soodhaweyn iyo niyad samaan u samayn, runtii waa arin layaab ah oo ka hor iminaysa dadka rabitaankooda, haday musharaxa xisbiga Waddani ay soo dhaweeyeena waa rabitaankooda.

Badhasaabka Gobolka Togdheer, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo amaro ka helaya hogaanka sare ee xisbiga Kulmiye iyo qaybaha xukuumada ayaa runtii talaabadaasi xadhiga ah fuliyey, waana ayaandaro.

Waxa kale oo iyaduna ayaan daro ah in markii dadkii reer Burco iyo guud ahaan gobolka Togdheer ay dareenkooda muujiyeen taageerada iyo isbadalka ay u muujiyeen xisbiga Waddani ay magaalada soo gaadhayeen kooxo lagu magacaabay xoojin, xoojinta waxa aynu ku naqaanay marka ciidamo ay meel galaan in loo soo diri jiray unugyo xoojin ah, runtii waa wax laga xishoodo oo ayaan daro ah in boqolaal xoojin ah oo shaqaale dawladeed u badan laga soo diro Hargeysa.

Sidoo kale laba xubnood ayaa magaalada Xaaji Saalax ku xidhan oo xadhigooda uu xisbiga Kullmiye amray, isla markaana waxa kaliya ee ay ku xidhan yihiin ay tahay calanka xisbiga Waddani la soo baxay, waxaana talaabooyinka noocan ah lagu yaqaanaa marka nidaamyada afrika ee sii galbanaya ay ku kacaan ficilada noocan ah ee xadhiga, cabudhinta iyo cago-juglaynta.

Waxaan usoo jeedinayaa in dadkaasi xoriyadooda loo soo celiyo oo rabitaankooda iyo maskaxdooda la tixgaliyo oo ra’yi aan xoog loogu khasbin.

Kulmiye isagaa is-fashilinaya oo doonaya inuu qabyaalad ku ololeeyo, iyagaa doortay inay yidhaahdaan laba beelood ayuu ololahayagu ku dhisan yahay, labadii beeloodba markii ay dadkii ka soo jabeen oo xisbiga Waddani uu kaga taageero batay ayay inay xidhxidhaan maaha dadka, oo waxaanu ku celcelinaynaa xadhigu xal maaha oo waa la tartamayaa xisbi waliba intii uu illaahay u calfo ayuu qaadayaa.” Ayuu yidhi Muniir Axmed Cigaal, waxaanu gabogabadii intaasi ku daray in muwaadiniinta uu ugu baaqayo inay kaadhadhka qaataan oo ay ka faa’iidaystaan mudada hadhay si ay rabitaankooda doorashada cida ay doonayaan ugu codeeyaan.

Muniir Axmed Cigaal waxa uu tibaaxay in Xisbiga Kulmiye oo uu hore u sheegay inay quudaraynayaan in doodi telefishanada ku dhex marto Musharixiinta u tartamaya doorashada Madaxtooyada, waxaanu Kaaliyaha Warfaafintu sheegay in Musharaxa xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Ciro uu ka diyaar yahay in doodaasi uu la galo xisbiyada kale ee tartamaya.