Xildhibaan Waabeeye Oo Difaacay Heshiiska Ay Xukuumadu Ku Wareejinayso Haamaha Berbera

0
724

Picture3Hargeysa (Geeska)-Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye, Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye, ayaa ka hadlay Mooshinkii wareejinta Haamaha ee Golaha Wakiiladu laaleen iyo dib u soo celinta uu Madaxweynuhu dib ugu soo celiyey, isagoo xusay in cidda lagu wareejinayaa tahay shirkado waddani ah oo maalgashi ku samaynaya.

 Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye, oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaa sidoo kale ka hadlay wararka sheegaya inuu Madaxweynuhu ka tanaasulayo Musharaxnimada Xisbiga Kulmiye, waxaanu sheegay in warkaasi yahay waxba kama jiraan, oo ilaa hadda Madaxweynaha afkiisa laga hayn,  ayaa ka hadlay “Marka laga hadlayo arimaha maalgashiga waxa weeyaan Haamaha oo Dawladdu leedahay,  xaq bay u leedahay inay ku wareejiso Shirkado gaar ah oo Wadanka u dhashay , waayo Ganacastadeeda sida uu nidaamka dhaqaalaha furfurani sheegayo, Dawladduna xaq ayey u leedahay inay Shirkad gaar oo dalka laga leeyahay  ku wareejiso Haamaha Shidaalka, arintana umay baahnayn in Barlamaanku soo faragaliyo, waayo Shirkadahani waa Shirkadihii dalka u dhashay, mida kale ma jiro heshiis dhacay, waayo iyada oo imika socdo wada hadalkii ayey Barlamaanku yidhaahdeen waxa aanu laalnay heshiiska iman doona, wax iman doonana lama laalo, ta kale waa Ganacsatadeenii wey inoo hagaajinaysaa Haamaha oo maalgashi ayey ku sameeynayaan, in Barlamaanku laftiisu inuu taas ka hor yimadaana maaha, Dawladduna xaq ayey u leedahay  inay dib u soo celiso Barlamaankuna inuu dib fiirsado weeye, oo aan lagu deg degin, uu ka  doodo, kadibna uu ansixiyo”.

Xildhibaan Waabeeye oo la weydiiyay wax aka jira  wararka muddooyinkii ugu dambeeyey soo baxaayey ee sheegaya inuu Madaxweynuhu ka tanaasulayo Musharaxnimadii Xisbiga iyo loolka loogu jiro ayaa yidhi “Madaxweynuhu waa Madaxweynihii Qaranka, warkiisu waa war sugan, warka uu bixiyo iyo waxa suuqu waa kala jaad, markaas waxa uu odhanayo Madaxweynuhu waxa uu noqonayaa wax cad, wax suuqa ka jiraana wax jira maaha, wax la qaadan karo oo laga doodi karana maaha, wax waa la mala awaala, wararna waa la sameeya, Madaxweynuhu marka uu ka hadlo ayuu war cad oo xaqiiqo ah noqonayaa, balse waa malo’aawal, wax laga talo qaato, iyo wax lagu go’aan qaato midna maaha”