Dugsiga Sare Ee Salaama Oo Abaalmarino Gudoonsiiyey Lix Arday Oo Guulo Ka Soo Hooyey Imtixaanadii Dugsiyada Sare

0
477

Picture4Hargeysa (Geeska)- Dugsiga sare ee Salaama ayaa waxa uu u qabtay xaflad sagootineed 319 oo dhamaystay dusiga sare sanad dugsiyeedkii 2014 – 2015. Iyadoo isla mar ahaantaana lagu gudoonsiiyey 6 ka mida ah 20-kii arday ee ugu sareeyey imtixaankii shahaadiga ahaa ee dugsiyada sare ee Somaliland, iyadoo 6-daa arday ka tirsanaayeen Dusiga sare ee SALAAMA, halkaana lagu gudoonsiiyey abaal marino qaaliya oo ay ka mid ahaayeen computers.

 Xafladan oo loo soo agaasimay si aad u heersareysa, aykana soo qaybgaleen madax badan oo ay ka mid yihiin wasiirka Duulista iyo Hawada, wasiirka deegaanka iyo horumarinta reer miyiga, wasiir ku xigeenka amniga, gudoomiye ku xigeenka koobaad ee xisbiga talada haya ee KULMIYE, musharaxa madaxweyne ee xisbiga UCID, agaasimaha samafalka madaxtooyada, gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeen imtixaanka qaranka, agaamisaha waxbarashada gaarka ah, agaasimaha hay’adda ilaalinta tayada qaranka, salaadiin iyo aqoonyahan.

Dhamaantood waxay ku bogaadiyeen dugsiyada salaama kaalinta muuqata ee ay kaga jiraan waxbarashada dalka iyo horumarka balaadhan ee ay ka sameeyeen imtixaankii guud ee qaranka.

 Waxay hambalyo iyo bogaadin u soo jeediyeen maamulka, macalimiinta, ardayda iyo waalidiinta dugsiga iyagoo ku  hambalyeeyey guushaa balaadhan ee ay ka soo hooyeen imtixaankii shahaadiga ahaa ee qaranka.

Ugu danbayn munaasibadaas ayaa lagu soo afmeeray abaal marino la gudoonsiiyey 6-dii arday ee kaalmaha ugu sareeya ka galay 20 kii arday ee ugu sareeyey imtixaanadii shahaadiga ahaa ee Somaliland.